Ugu yaraan 46 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay mid ka mida waddooyinka ugu mashquulka badan dalka Uganda.
Shilkan ayaa dhacay waddada u dhexeysa caasimadda Kampala iyo magaalada Gulu ee ku taalla waqooyiga dalka Uganda, kaas oo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen dad fara badan.
Booliiska ayaa markii hore ku sheegay dhimashada 63 qof, balse waxay dib ka xaqiijiyeen inay dhimashadu ay tahay 46 qof, iyagoo bayaan kale oo ay soo saareen ku sheegay in markii hore ay tirada si khaldan ugu dareen dad suuxsan oo loo qaatay inay dhinteen.
Shilkan ayaa sida la sheegay ka dhashay isku dhaca afar baabuur oo labo ka mid ah ay ahaayeen basaska rakaabka, midna uu ahaa Land Cruiser, halka baabuurka afraad-na ahaa nooca xamuulka.
Dirawaliinta labada bas oo u socday jihooyin iska soo horjeeda ayaa damcay inay dhaafaan baabuur kale oo waddada maraysay, waana sababta keentay shilkan oo labo baabuur oo kalena galaaftay, kaas oo si gaar ah uga dhacay meel u dhow magaalada Kiryandongo, sida ay booliisku xaqiijiyeen.
Shilalka waddooyinka ee khasaaraha badan geysta ayaa ku badan dalka Uganda iyo sidoo kale dalalka dhaca Bariga qaaradda Afrika, kuwaas oo inta badan loo aaneeyo mas’uuliyad-darro dhinaca dirawaliinta ah, ciriiri iyo burbur xooggan oo ka jira waddooyinka.