Andalus Podcast, waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga Al-andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shakhsiyad waayo joog ah oo umadda Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkan waxaa barnaamijka mrakale marti ku ah Abwaan Nageeye Cali Khaliif, Abwaan Maxamuud Jeesto iyo Abwaan Hilaal, waxaana barnaamijka lagu soo qaatay 2 sano kadib howlgalkii Duufaanta Al-Aqsaa iyo Duullaankii Yahuuddu ku qaaday Marinka Gaza iyo laga bartay xasuuqii lagula kacay reer Falastiin.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.