Tan iyo markii madaxa maamulka Somaliland C/Raxmaan-Cirro uu dhawaan kasoo laabtay socdaalkiisii ugu horreeyey ee uu ku tago Itoobiya oo xogtiisa aad loo ilaaliyay, ayaa waxaa soo baxaya macluumaad hor leh oo iftiiminaya waxyaabihii looga hadlay kulan dhex-maray Murtad Cirro iyo gaal Abiy Axmed.
Warbaahinta Al-Jaziira oo soo xiganaysa warbixin uu qoray The African Report oo ah wargeys caalamiya oo laga leeyahay dalka Faransiiska, diiraddana saara Arrimaha Afrika, ayaa sheegtay in safarkii Cirro todobaadkii hore ku tagay Addis Ababa uu daarranaa soo noolaynta xiriirka labada dhinac oo muddo bilooyin ah ku jiray hakad diblomaasiyadeed kadib markii uu burburay heshiiskii ku saabsanaa marin-biyoodka ee murtad Muuse Biixi uu la galay R/wasaaraha Itoobiya Gaal Abiy Axmed.
Kulan fool-ka-fool ah oo Murtad C/Raxmaan-Cirro la yeeshay Gaal Abiy Axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Addis Ababa ayaa sida ay warbixintu sheegtay si guud loogu gorfeeyey Arrimaha iskaashiga amniga iyo fursadaha dhaqaale ee labada dhinac.
Wada-hadalkan ayaa waxa kale oo looga hadlay sidii loo kala saxiixan lahaa heshiis ku saabsan sidii Gaasta dabiiciga ah ee kasoo baxda dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos-jira gumaysiga Itoobiya looga dhoofin lahaa dekedda Berbera, sida uu sarkaal sare oo ka tirsanaa weftiga Somaliland uu u sheegay joornaalka The African Report.
Warbixintan ay soo xigatay Al-Jaziira ayaa sidoo kale lagu sheegay in Somaliland ay raadinayso heshiis ku saabsan sidii deggaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi loosoo gaarsiin lahaa korontada laga dhaliyo biyo-xireenka uu maranka badan ka taagan yahay ee Al-Nahda oo dhawaan ay xariga ka jartay dawladda Xabashida Itoobiya.
Falanqeeyayaal ay warbixintu soo xigatay ayaa aaminsan in dekedda Berbera ay weli ay tahay qodobka ugu weyn ee ku jira ajandaha wada-hadalka dhaqaale ee labada dhinac, balse ay sidoo kale ku duuggan tahay ujeeddo ballaaran oo ah raadinta aqoonsi rasmi ah oo uu helo maamulka Somaliland.
Inkasta oo booqashada Cirro ee Addis Ababa ay la socotay mala-awaal ah in mar kale la soo celin karo arrinta aqoonsiga ee Itoobiya, ayaa mas’uul ka tirsan Somaliland uu The African Report u xaqiijiyay in wax khilaaf ah aan lagu soo hadal-qaadin kulankaasi, isla markaana arrinta aqoonsiga aan si toos ah loogu falanqayn kulankaasi.
Getachew Reda, oo ah la-taliyaha R/wasaaraha Itoobiya ee arrimaha Afrika, ayay warbixintu xustay in dabayaaqada bishii hore uu sheegay in dalkiisa Itoobiya uusan noqon doonin kan ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland, mana noqon doono kan saddexaad ayuu yiri, waxaanu soo jeediyey in marka hore Maraykanku aqoonsado Somaliland, kadib iyaguna ay ku xigi doonaan.