Garoonka caalamiga ah ee magaalada Khartuum ee caasimadda Suudaan, ayaa maanta oo Khamiis ahayd la kulmay duqaymo dhanka cirka ah oo uga yimid dhanka fallaagada RSF.
Duqayntaan ayay warbaahinta maxalliga ah ee Suudaan sheegtay in kooxda gurmadka deg degga ah u adeegsatay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, waana maalintii 3-aad oo duqaymo toos ah beegsanayaan garoonka caalamiga ah ee Khartuum.
Ilo-wareedyo ku sugan gudaha garoonka ayaa Sudan Tribune u sheegay in duqaynta maanta dhacday ay ahayd tii saddexaad, kana horeeyeen duqaymo kale oo dhacay maalmihii Talaadada iyo Arbacada.
Ciidanka lugta iyo nidaamyada difaaca ee dhanka militariga ayaa sheegay in ay la dagaallameen duqaymahaasi, kuna guuleysteen inay soo ridaaan sidoo kalena ka hortagaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay in uu ka dhashay weerarka RSF ku qaadeen garoonka caalamiga ah ee Khartuum, waxayna weeraradaan kusoo beegmeen xilli lagu waday in garoonka dib loo furo dayactirna lagu sameeyo.