Dowlado ubadan kuwa reergalbeedka oo si toos ah uga qeyb qaadanaya duullaanka shisheeye ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa xusulduub ugu jira sidii aqoonsi buuxa loosiin lahaa mid kamida maamullada ashahaadda ladirirada ah ee ka jira dalka.
Shabakadda Middle East 24 ayaa daabacday warbixin ay ku sheegayso in maamulka ashahaadda ladirirka ah ee isku magacaabay Somaliland uu waqti aan fogeyn aqoonsi ka heli doono dowlado ay kamid yihiin Mareykanka,Ingiriiska iyo Imaaraatka Carabta.
Mas’uuliyiin katirsan maamulka dabadhilifka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa ayaa Middle East 24 u sheegay in Kiyaanka Sahyuuniga iyo Imaaraatka Carabta ay safka hore uga jiraan dowladaha gadaal ka riixaya in aqoonsi rasmi ah lasiiyo maamulka ashahaadda ladirirka ah ee Somaliland.
Sida wararku sheegayaan Cabdiraxmaan Cirro ayaa uballanqaaday madaxda Mareykanka iyo Imaaraatka Carabta in uu saxiixo doono waxa loogu yeero heshiiska Abraham oo ah mid lagu caadiyaynayo cilaaqaadka Yahuudda islamarkaana lagu abuurayo ra’yul caam cusub oo caalamka lagu tusinayo in wax cadaawad ah aysan ka dhaxayn gaalada iyo muslimiinta.
Middle East 24 ayaa warbixinta ay qortay kusoo gaba gabaysay in hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Somaliland uu Maxamed Bin Zaayid madaxweynaha Imaaraatka ka helay farriin sheegaysa in la aqoonsan doono bisha December ee sanadkan 2025-ka.