Howlgal qorsheysan oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Buulamareer ee wilaayada Sh/hooe, ayaa Allaah fadligiis waxaa lagu dilay askari murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyada Riddada, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Muuse.
Howlgalkan qorsheysan ee ka dhacay degmada Buulo-mareer ayaa qayb ka ah weerarada ciidamada mujaahidiintu ku beegsanayaan maleeshiyaadka iyo saraakiisha murtadiinta ee ku sugan magaalooyinka ay saliibiyiintu xoogga ku haystaan ee dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli howlgallo qaraxyo ah oo ciidamada mujaahidiintu ka kala fuliyeen xaafadda Daaru-salaam iyo deegaanka Waydow oo lagu beegsaday maleeshiyaadka murtadiinta ay ka dhasheen khasaare kala duwan, waxaana mid ka mid ah howlgalladaas ku dhaawacmay laba askari oo murtadiin ah.