Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Abiy Axmed Oo Wacad Ku Maray Soo celinta Marin-badeed Uu Sheegay In Sharci-darro Ay Ku Haysato Eritrea.
  • Allposts
  • Warar

Abiy Axmed Oo Wacad Ku Maray Soo celinta Marin-badeed Uu Sheegay In Sharci-darro Ay Ku Haysato Eritrea.

October 29, 2025

R/wasaaraha dawladda Xabashida Itoobiya gaal Abiy Axmed ayaa mar kale ku dhawaaqay in dalkiisu aanu kusii jiri doonin go’doon badeed isla markaana ay ku hawlan yihiin xaqiijinta marin-badeed ay iyagu leeyihiin oo aanay cidna u daba-fariisan. Waxaanu weerar afka ah ku qaaday Eretariya oo uu tilmaamay inay sifo sharci-darro ah ku haysato Bad uu sheegay in Itoobiya ay leedahay.

RW Abiy Axmed oo Talaadadii shalay khudbad ka hor-jeediyey golaha dawaaqiidda ee baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in uusan jirin diiwaan rasmi ah ama go’aan hay’adeed oo caddeynaya sida Itoobiya ay u weyday marinka Badda Cas. Waxaanu yiri:

“Luminta Itoobiya ee marinka Badda Cas, wuxuu yimid kadib halgan socday in ka badan 30 sano, sida aad dhammaantiin ogtihiin. Intii lagu jiray 30-kaas sano ee colaadda, khasaaraha Itoobiya wuxuu ahaa mid si tartiib tartiib ah u sii socday. Si kastaba ha ahaatee, ma aaminsani in dib-u-soo-celinta wixii lumay ay qaadan doonto 30 sano oo kale.”

Mar uu R/wasaaraha Itoobiya ka hadlayay Eretariya iyo sidoo kale sheegashadiisa dekedda Casab waxa uu yiri “Eretariya si aan sharci ahayn ayaa loogu wareejiyey dekedda Casab, markii aanu si walba u baarnay, waxa noo soo baxday in si sharciga baal-marsan loogu wareejiyey. Ma jirin baarlamaan u ansixiyey, ma jirin afti laga qaaday shacabka Itoobiya, mana jirin cid ansixisay, markaa sharci-darro ayaa loogu wareejiyey, waanuse kasoo celin doonnaa.”

Abiy Axmed waxa kale oo uu soo hadal-qaaday dagaal aad looga digayay muddooyinkan dambe oo Itoobiya iyo Eretriya ay qarka u saaran yihiin in uu ka dhex-qarxo, maadaama bilahan u dambeeyey ay labada dhinacba ku jireen diyaar-garow ciidan oo aad u xooggan. Waxaanu yiri:

“Haddii dagaalku uu qarxo natiijadiisu way caddahay, waanan guulaysanaynaa, ma jirto cid na hor istaagi kartaa. Eretariyana waa dal aan lahayn dhalinyaro iyo dastuur, doorashana aanay ka dhicin, waa dal aan wax rajo ah lahayn, oo uu haysto oday gaboobay, markaa annaga dal aan rajo lahayni waxba nama yeeli karo…”

Intii Gaal Abiy Axmed uu ku gudo-jiray ka-hadalka dagaalka la filayo in uu ka dhex bilawdo labadan dowladood, ayuu fariin u diray madaxweynaha Eretriya Asaias Afawerki, oo uu usoo jeediyey in uu joojiyo hub uu sheegay in uu kusoo daabulayo gudaha Itoobiya.

Abiy Axmed wuxuu sheegay in dalalka caalamka ay u bandhigeen in haatan ay wax ku rabaan si nabad ah, balse waxa uu ku goodiyey haddii ay waanwaantu socon waydo ay xaaladdu faraha ka bixi doonto, xalkana laga raadin doono meel adag, waxaanu yiri:

“Maanta waxaan hortiina ka sheegayaa, isticmaalka Badda Cas ee Itoobiya, mid aan laga gorgortamayn inay tahay. Beesha caalamka oo Maraykanku ugu horreeyo, Shiinaha, Midowga Afrika, Midowga Yurub, waxaan u sheegaynaa inay na kala dhex-galaan, oo qaab nabadeed ay arrimahan ku dhammeeyaan, sidaas baan rabnaa. Haddii kooxahani ay dalabkeena fulin waayaan, oo ay ka cagajiidaan, arrintu taas waa ay ka gudbaysaa, tallaabo kale in la qaado ayay noqonaysaa. Hal maalin badda Cas kuma aanaan waayin, hal maalinna kuma helayno. Milyan jeer ayaan idiin xaqiijin karaa Itoobiya Bad la’aan ma ahaan doonto.

R/Wasaaraha Itoobiya waxa kale oo uu ka hadlay ujeedada ka dambaysay samaynta ciidamada Badda, waxaana isagoo arrintaasi ka hadlaya hadalladiisii ka mid ahaa “Shan sanadood ka hor waxa aanu dhisnay ciidamada Badda, umaanaan samayn ciidankan si ay ugu dabbaashaan biyaha..” ayuu yiri Abiy Axmed inta uu kor u qaaday caagad ama qajacle yar oo ay ku jireen biyo uu cabbayey.

Waxa kale oo R/Wasaaraha Itoobiya ka hadlay xaaladda deggaanka Tigreega, waxaanu ku eedeeyey kooxda u dhaqdhaqaaqda xoraynta shacabka Tigreega ee TPLF in ay diiddan yihiin fulinta heshiiskii nabadda ee Pretoria. Waxaanu isagoo u duur-xulaya kooxda TPLF uu sheegay in ay jiraan dad doonayay in isaga ay xukunka ka tuuraan, arrintaas oo uu si adag uga dhiidhiyey.

Khudbadda R/Wasaare Abiy Axmed ayaa kusoo aadaysa xilli uu socdo abaabul dagaal oo aad u xooggan, kadib markii Itoobiya ay wacad ku martay in aanay kusii jirayn go’doon badeed isla markaana ay dagaal kula wareegayso dekedda Casab ee Eretriya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -07-05-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -07-05-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -04-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -04-Dulqicdah-1447-Hijri

April 21, 2026
Saraakiisha Maamulkii Laftagareen Oo Ku Goodiyay Inay Weerari Doonaan Baydhaba.
  • Allposts
  • Warar

Saraakiisha Maamulkii Laftagareen Oo Ku Goodiyay Inay Weerari Doonaan Baydhaba.

April 21, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 04-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 04-11-1447-Hijri.

April 21, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada