Kulan ay soo qaban qaabisay safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay xarunta safaaradda, kaasoo loogu dabaaldegayay riditaankii Khilaafada Islaamiga ee Cuthmaaniyiinta iyo dhismaha dowlad cilmaani ah oo Turkiga ka hirgashay, taasoo hadda laga joogo qarni iyo labo sano.
Kulanka oo ay kasoo qeybgaleen madax kala duwan oo katirsan kooxda ridada, Safaaradda Turkiga iyo madax kale oo ka tirsan gaalada caalamka, ayay ka qeybgalayaashu ku tilmaameen mid muhiim ah, looguna dabaaldegayo dhacdo weyn oo taariikhda gashey, sida ay hadalka u dhigeen.
Xamse Cabdi Barre oo kamid ahaa dadkii goobjooga ahaa kulanka, ayaa sheegay in dhacdadan ay muhiimad weyn ku fadhiso, isagoona tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay kasoo qeybgalka munaasabaddan.
“Maalintani waa maalin aan si wadajir ah ula faraxno walaalaheen Turkiga, waa maalin lagu xusayo geesinimadii iyo halgankii uu hormuudka u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, kaas oo dhidibbada u taagay Jamhuuriyad casri ah oo dhiirrigelisay dunida oo dhan,” ayuu yiri Xamse oo warkiisa qoraal ahaan loogu soo daabacay Pageg-ka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee baraha bulshada.
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka ridada Mahad Salaad ayaa ka muuqday sawirro ay baahisay Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, waxaana sanad weliba marka waqtigan la gaaro ay safaaradda Turkiga ku qabtaa caasimadda Soomaaliya, munaasabad ballaaran oo ay ka qeybgalaan madaxda kooxda ridada Soomaaliya.
Muda hadda laga joogo 102 sano ayuu Kamaal Ataatoorik, wuxuu ku guuleystay isagoo kaashanaya Yahuudda iyo Reer-galbeedka inuu rido Khilaafadii Islaamiga ee Cuthmaaniyiinta, taas bedelkeedana wuxuu Turkiga ka hirgleiyay jamhuuriyad cilmaani ah oo illaa iyo maanta taagan, darxumadii soo wajahday muslimiinta markii la riday khilaafadooda ayayna illaa iyo maanta ku jiraan.