Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Mucaaradka Tanzania Oo Sheegay In Mudaharaadyadii Dhacay Lagu Dilay Ku Dhawaad 700 Oo Qof.
  • Allposts
  • Warar

Mucaaradka Tanzania Oo Sheegay In Mudaharaadyadii Dhacay Lagu Dilay Ku Dhawaad 700 Oo Qof.

November 1, 2025

CHADEMA oo ah xisbiga ugu weyn mucaaraadka Tanzania, ayaa Jimcihii shalay shaaciyey in ku dhawaad 700 oo qof lagu dilay saddex maalmood gudahood, kadib markii ay dhaceen mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay doorasho muran dhalisay oo Arbacadii lasoo dhaafay ka dhacday dalkaas.

Mudaaharaadayaal gadoodsan ayaa waddooyinka isugu soo baxay tan iyo Arbacadii, iyagoo ka caraysan cabashooyin la xiriira caburin baahsan iyo in tartanka doorashada laga reebay laba ka mid ah musharrixiinta ugu waaweyn ee ka soo horjeedda haweenayda madaxweynaha ka ah dalkaasi ee Saamiya Suluuxu Xassan.

Sida ay wararku tibaaxayaan goobihii codaynta ayaa markaliya isku bedelay fowdo, iyadoo dadweyne aad u badan ay isugu soo baxeen waddooyinka Daaru-Salaam iyo magaalooyin kale, iyagoo jeex-jeexay sawirrada madaxweynaha, isla markaana weeraray saldhigyada booliska iyo goobaha codbixinta. Tani waxay keentay in la xiro internet-ka iyo in Bandow lasoo rogo xilliyada habeenkii.

Ilo amni ayaa u sheegay wakaladda wararka AFP in ay maqleen warar sheegaya in dhimashada guud ay kor u dhaaftay 500 (Shan boqol) oo qof, isla markaana guud ahaan dalka oo dhanna ay noqon karto tirada dhimashadu 700 ilaa 800 oo qof.

John Kitoka oo ah afhayeenka xisbiga laga mamnuucaay doorashada ee Chadema (Jaadhama), ayaa warbaahinta u sheegay in tirada dhimashadu ay ka badan karto 700 oo qof. Maadaama dilal ay hor leh ay dhici karaan xilliyada habeenkii ee bandowdu jirto.

Madaxweynaha Tanzania, Saamiya Xassan oo xukunka la wareegtay 2021-kii kadib markii uu geeriyooday hoggaamiyihii ka horreeyey, ayaa lagu soo warramayaa in guul weyn ay ka gaartay doorashadii qabsoontay maalinnimadii Arbacada, iyadoo heshay codadka in ka badan 97% , sida ay subaxnimadii maanta oo Sabti ah ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka ee Tanzaniya.

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa si weyn uga walaacsan qolqolatoonka kasoo cusboonaaday Tanzaniya, kuwaas oo sidoo kalena la sheegay in boqollaal qof oo kalena ay ku dhaawacmeen iyadoo dowladdu ay tirada dhimashada ku tilmaantay mid la buubuuniyey isla markaana ganafka ku dhufatay dhaliilaha loo jeediyey.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-05-1447 Hijri.
Next: Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)

Related Stories

Dhagayso Andalus Podcast: MaxaaLaga Xasuustaa Tajribadii Xerada Qaxootiga Aala-Yaasir Ee Laga Hirgeliyey Wilaayada Sh/hoose.
  • Allposts
  • PODCASTS

Dhagayso Andalus Podcast: MaxaaLaga Xasuustaa Tajribadii Xerada Qaxootiga Aala-Yaasir Ee Laga Hirgeliyey Wilaayada Sh/hoose.

June 11, 2026
Aadan Madoobe Oo Noqday Hoggaamiyaha Cusub Ee Maamulka ‘Koonfur-galbeed’.
  • Allposts
  • Warar

Aadan Madoobe Oo Noqday Hoggaamiyaha Cusub Ee Maamulka ‘Koonfur-galbeed’.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-12-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-12-1447-Hijri.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada