Kulan ay Qaahira ku yeesheen wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Cabdul-Caadhi iyo Guddoomiyaha Midowga gaalada Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa lagu gorfeeyey ciidanka ay dawladda Riddada Masar rabto inay kaga qayb-qaadato duullaanka gardarrada ah ee lagu soo qaaday Soomaaliya ee isbahaysiga AUSSOM.
Shirkan oo Sabtidii ka qabsoomay agagaarka goob lagu daah-furay matxaf weyn oo laga hir-geliyey Qaahira, ayaa bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar lagu sheegay in shirkaasi diiradda lagu saaray maal-gelin la’aanta haraysay hawl-galka AUSSOM.
Wasiirka Arrimaha dibadda Masar, waxa uu carrabka ku adkeeyey in wax-qabadka hawl-galka AUSSOM uu ku xiran yahay dhaqaale ku filan oo joogto ah, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in la helo maal-gelin caalami ah oo la hubo.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in kulankaasi lagu soo hadal-qaaday ciidamada ay Masar rabto inay u dirto Soomaaliya, balse faah-faahin dheeriya lagama bixin, sida goorta rasmiga ah ee la dirayo iyo goobta la dejinayo ciidamadaasi.
Kulanka labadan mas’uul ayaa kusoo aadaya xilli duullaanka gardarrada ah ee isbahaysiga AUSSOM, uu wajahaayo xaalad hubanti la’aan ah, kaddib markii uu ku fashilmay la-dagaallanka Mujaahidiinta Al-shabaab, lagana goostay lacagihii la siin jiray.