
Saraakiisha maleeshiyada loogu yeero Danab ee ka tirsan maamulka Riddada Puntland, ayaa sheegay in maamulka Siciid C/llahi Deni uu maleeshiyadooda ka jartay mushaaraadkii uu siin jiray.
Warasaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in maamulka Deni uu hoggaamiyo uu isugu daray mushaarka oo ka goostay iyo sidoo kale goodis joogta ah oo ay la kulmayaan.
“Waxaan bulshada la wadaagaynaa in taliska hadda jooga uu joojiyay dhammaan xuquuqihii ciidanka Commandooska danab, wuxuuna noogu daray hanjabaadyo isdaba joog ah”. Ayaa lagu yiri nuqul ka mid bayaanka uu soo saaray taliska maleeshiyada Riddada Danab ee Puntland.
Waxay tani kusoo beegmaysaa xilli taliyaha maleeshiyada Booliiska Riddada maamulka Puntland uu maalin ka hor ka dhawaajiyay inay jiraan maleeshiyo hubeysan oo ku sugan deegaannadooda, goodis adag ayuuna u diray, isagoo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii ay xad-gudub sameeyaan.