Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • XOG CUSUB: Jamaacada Nusratul Islaam Oo Wax Ka Yar 50 Km U Jirta Bamako.
  • Allposts
  • Warar

XOG CUSUB: Jamaacada Nusratul Islaam Oo Wax Ka Yar 50 Km U Jirta Bamako.

November 5, 2025

Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin oo halgan adag oo Jihaadi ah kaga jira galbeedka Afrika, ayaa si tartiib-tartiib ah ugu sii siqaaya caasimadda Maali ee Bamako, oo haatan ay u jiraan wax ka yar 50 KM oo kaliya, sida warbaahinta caalamku ay tebinayso.

Jihaadiyiintu waxay xayiraad dhinaca shidaalka ah labada bilood sii maraysa kusoo rogeen xukuumadda daba-dhilifka ah ee Bamako oo haatan dareemaysa culaysyo aad u badan. Iyadoo la filayo in Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay dhawaan la wareegaan talada dalkaasi.

“Waxay cabsi gelinaysaa madaxda Bamako, waxayna abuureysaa aragti ah in caasimaddu go’doonsan tahay, Nusratul Islaam Wal-muslimiinna ay soo dhowaanayso.” ayay tiri Justyna Gudzowska, agaasimaha fulinta ee hay’adda baaritaanka ee The Sentry.

Ujeeddada ugu weyn ee jihaadiyiinta ayaa lagu sifeeyey inay tahay inay xoog kula wareegaan Maali, sida ay Reuters u sheegeen lix falanqeeye amni iyo diblomaasiyiin. Tallaabadan ayaa lagu micneeyey mid wiiqaysaa awoodda maamulka madaxweyne Assimi Goita, jihaadiyiintana u ogolaanaysa xoojinta awooddooda ciidan iyo dhaqaale.

Bayaan ay jihaadiyiintu bil ka hor soo saareen ayay ku sheegeen in bartilmaameedkoodu yahay maamulka daba-dhilifka ah ee Bamako oo ay ku eedeeyeen in ay dhibaateeyaan shacabka muslimiinta ah ee reer Mali, gaar ahaan meelaha ka baxsan caasimadda.

Dagaalka Jihaadiga ah ee ka socda Mali ayay Reuters sheegtay inuu saamayn taban ku leeyahay maamullada daba-dhilifyada ah ee ka jira dalalka deriska la ah Mali, sida Burkino Faso iyo Niger, kuwaas oo dhammaantood ay xukunka la wareegeen ciidamo millateri ah isla markaana ay samaysteen siyaasadeed iyo mid amni.

“Haddii maamulka Mali uu burburo, wax walba way burburayaan, sidoo kale isbahaysiga dalalka Saaxilkuna waa uu burburayaa.” ayuu yiri diblomaasi sare oo ku sugan Bamako oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaanka maamulka daba-dhilifka ah ee millateriga Mali uu ka dhex-qarxay khilaaf xooggan, kaas oo ah caqabado hor leh oo qayb ka noqon karta mijo-xaabinta xukuumadda Assimi Goita.

Reuters waxay sheegtay in dowladda daba-dhilifka ah ee Mali ay bishii Agoosto xabsiga u taxaabtay laba jeneraal oo milatari iyo tobannaan askari oo kale, iyadoo ku eedeysay inay ka qayb-qaateen shirqool lagu doonayay in lagu wiiqo maamulkeeda.

“Ma aaminsani in nidaamku uu awood u leeyahay inuu xukunka sii haysto. Waxaa jira xoogag badan, oo cadaadis saaraya ha noqoto dhinaca siyaasadda ama kooxaha hubeysan.” ayuu yiri falanqeeye amni oo aan loo oggolayn inuu la hadlo warbaahinta, sida ay Reuters sheegtay.

Dadka kasoo hor-jeeda jihaadiyiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin ayaa wel-weli badan ka muujinaya dedaallada ay kooxdu ku dardar-gelisay hawl-galladeeda oo ay doonayso inay kula wareegto dalka, si ay ugu soo dabbaasho ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.

Wakaaladda Wararka ee Reuters waxay sheegtay in Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay haweenka ku amartay inay xirtaan xijaabka. Gaar ahaan deggaannada iyo magaallooyinka ay la wareegeen gacan-ku-heyntooda.

“Ma diidi karno suurtagalnimada in Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay isku daydo inay magaalada soo gasho.” ayuu yiri diblomaasi sare oo ku sugan Bamako oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.

Geesta kale waxaa sii kordhaya ayay tiri Reuters, digniinno isdaba joog ah oo ka soo baxaya safaaradaha shisheeye oo ay ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska iyo Talyaaniga, kuwaasoo muwaadiniintooda ugu baaqay inay ka baxaan dalka Mali

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -14-05-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-05-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 15-02-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 15-02-1448-Hijri.

July 29, 2026
Weerar Lagu Laayay Ciidanka Kenya Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Mandheera.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Lagu Laayay Ciidanka Kenya Oo Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Mandheera.

July 29, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-02-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-02-1448-Hijri

July 28, 2026

Sawirro

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada