Markii ugu horraysay ayay kooxda Riddada war kasoo saartay tallaabada ay xukuumadda Imaaraatka Carabta saldhig laga abaabulo calooshood ushaqeystayaasha caalamiga ah uga dhisatay magaalada Boosaaso.
Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka gaashaandhigga kooxda Riddada ayaa magaalada Muqdisho ka sheegay in diyaarado waaweyn ay isbuucyadii lasoo dhaafay kusoo degayeen garoonka Boosaaso kadibna ay usii gudbayeen dhanka galbeedka wadanka Suudaan.
Isagoo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen Senetarrada aqalka sare ee golaha dawaaqiidda ayuu ku qiray diyaarado sida calooshood ushaqeystayaal ay ka duuleen madaarka magaalada Boosaaso ayna aadeen dhanka gobolka Daarfoor ee galbeedka Suudan.
Wuxuu intaas ku daray in kooxda Riddada ay waddo baaritaanno ayna war dhammeystiran kasoo saari doonto maalmaha soo socda.
Warbaahinta caalamiga ah iyo midda maxalliga ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay tebinaysay in garoonka Boosaaso ee waqooyiga Soomaaliya uu kaalin weyn kulahaa xasuuqii bahalnimada lahaa ee maleeshiyaadka Janjawiidka wakiillada Imaaraadka ay ka geysteen magaalada Alfaashir ee galbeedka Suudaan halkaas oo lagu dilay inkabadan sedax kun oo qof.