Dagaal culus ayaa xalay fiidkii ka qarxay waqooyiga Itoobiya, kadib markii maleeshiyaadka kooxda TPLF ay weerar ku qaadeen gudaha deggaanka Canfarta, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidanka dawladda Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Canfarta oo isku dhinac ah.
Bayaan uu soo saaray ismaamulka Canfarta ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka TPLF ay soo weerareen deggaanka Canfarta, isla markaana ay xoog kula wareegeen ugu yaraan lix tuullo, kadib markii ay hubka culus ku garaaceen dadkii xoolo-dhaqatada ahaa ee ku sugnaa deggaannadaasi.
Wararka laga helayo deggaanka canfarta ayaa tibaaxaya in maleeshiyaadka Tigreega ee weeraray deggaannada Canfarta ay wehelinayaan oo ay ka barbar dagaallamayaan ciidamo Eretariyaan ah, kuwaas oo la sheegay in qorshahoodu uu yahay in ay qabsadaan jidka halbowlaha ah ee isku xira Itoobiya iyo Jabuuti.
Ismaamulka Canfarta oo maqaar-saar u ah maamulka Addis Ababa ayaa ku goodiyey inay jawaab adag oo ku habboon ay ka bixinaayaan weerarkaasi haddii kooxda TPLF joojin waydo duullaanka ay kusoo ekaysay deggaannadaasi, isla markaana ay deg-deg uga bixi weydo dhulka Canfarta.
Si kastaba ha ahaatee dagaalkan ayaa yimid labo maalmood kadib markii Taliyaha guud ee ciidanka millateriga Itoobiya, uu shaaca ka qaaday in waajib ay tahay in xididdada loo siibo kooxda TPLF, oo uu ku tilmaamay dhagar-qabayaal halis ku ah nabadda Itoobiya.
TPLF ayaa iyaduna dhankeeda soo saartay warsaxaafadeed ku qornaa luqad adag oo ay kaga fal-celisay hadalkaasi, iyadoo sheegtay in heshiiskii nabadda ee lagu kala saxiixday Pretoriya uu qarka u saaran yahay inuu burburo, kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii dhiigag badan ku daatay ee labada sano ka socday gobolka Tigrey.