Wararka ka imaanaya xeebaha ka fog biyaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in kooxo abaabulan oo Soomaali ay weerar culus ku qaadeen Markab shidaal oo marayay qaybo ka mid ah badweynta Hindiya.
Wakaaladda wararka AP ayaa xaqiijiyay in koox ay ku sheegtay inay u muuq-deen burcad-badeed Soomaali ah oo adeegsanayay qoryaha nooca kuwa sida darandoorriga ah u dhaca iyo qoryaha garbaha laga gano ee (RPG-ga) ah ay maanta oo Khamiis ah gudaha u galeen markab siday shidaal.
Weerarkan ka dhacay biyaha badweynta Hindiya ee kooxaha Soomaalidu ku qabsadeen markabkan oo ku safrayay calanka Malta, ayay wakaaladdu ku sheegyay in uu noqday kii ugu horreeyay ee si buuxda loogu afduubo markab ganacsi oo maraya xeebaha Soomaaliya muddo ka badan hal sano, waxayna intaas ku dartay inay jiraan walaac laga qabo suurtogalnimada weerarro kale oo dhici kara.
Weerarka ayay wakaaladda wararka ee AP sheegtay iyada oo soo xiganayso shirkadda iska leh markabka in uu beegsaday Markab kasoo baxay dekadda Sikka ee waddanka Hindiya, isagoo kusii jeeday dhanka magaalada Durban ee Koonfur Afrika.
Waxay wararku xuseen inaysan jirin ciidan ilaalo ah oo markabka la socday, taasi waxay weeraryahannadu u fududeysay baa la yiri inay si deg deg ah ku fuulaan markabka iyagoo adeegsanayay dooni ay horay gacanta ugu dhigeen oo laga leeyahay dalka Iiraan, kaddibna markabka kusii gaaray doonyo kale oo yaryar.
Shirkadda iska leh markabka ayaa sheegtay in 24 shaqaale oo markabka la socday ay nabad qabaan oo ay xiriirkooda heleen, kuna howlanyihiin sidii loo soo badbaadin lahaa.
Weerarka maanta dhacay ee kooxahan gacanta ugu dhigeen Markabka, ayaa yimid xilli dhowaan kooxo Soomaali ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan Markab marayay xeebaha u dhow magaalada Muqdisho, markii ay rassaas ku fureen markabkaasi sida ay sheegeen ciidamada Midowga gaalada Yurub.