Madaxweynaha Ismaamulka Amxaarada ee maqaar-saarka u ah maamulka Addis Ababa, Gaalka lagu magacaabo Arega Kebede, ayaa lagu soo warramayaa in Isniintii shalay ay weerareen maleeshiyaadka Fano ee ku sugan magaalada Lalibela, ee waqooyiga Wollo ee dalka Itoobiya.
Taliska Fano ee bariga gobolka Amxaarada oo ay soo xigatay Warbaahinta Ethiopia Media Service ayaa sheegay in waaxda xiriirka dadweynaha ee Fano ee gobolkaasi ay shaaciyeen weerarkan oo ahaa mid si weyn looga shaqeeyey.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in madaxweynaha la weeraray wax yar ka dib markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha isla markaana uu gudo-galay safar dhinaca dhulka ah isagoo kusii jeeda magaalada Lalibela.
Hawl-galka weerarkan lama filaanka ah ee maleeshiyaadak Fano ay ku kediyeen madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa bilawday xilliyadii barqada ee shalay, waxaana sida ay wararku tibaaxayaan uu socday muddo ku dhow saacad iyo bar.
Madaxweyne Arega Kebede ayaa lagu soo warramayaa inuu si dirqiya uga badbaaday weerarkaasi, kadib markii sida la sheegay uu ku baxsaday mid ka mida gawaaridii galbinaysay. Waxaase goobtaasdi lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo ka tirsanayd ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha, sida lagu sheegay warbixinta Fano.
Maamulka Abiy Axmed ilaa hadda kama aanu hadal weerarkan iyo sheegashada Fano. Waxaanu hawl-galkani kusoo aadayaa xilli dabayaaqada usbuucii lasoo dhaafay ay dhaceen dagaallo lagu hoobtay oo dhegta dhiigga loogu daray saraakiil iyo askar fara badan oo ka tirsan ciidanka federaalka Itoobiya.