Ugu yaraan labo qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay kadib markii shalay ciidamo Itoobiyaan ah ay weerar ku qaadeen degmada Mooyaale ee gobolka Daawa oo ka tirsan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos-jira gumaysiga Xabashida Itoobiya.
Weerarkan oo si gaar ah loogu bar-tilmaameedsaday deggaan lagu magacaabo Madax-maroodi oo hoos-taga degmada Mooyaale, ayay ciidamada Itoobiya si bareer ah ugu dileen labo qof oo Shacab ah, halka dhowr qof oo kalena ay dhaawaceen, kuwaas oo dhaawacyadooda loo daad-gureeyey cisbitaalka magaalada Leey ee xarunta gobolka Daawa.
Sida ay xogtu tibaaxayso, ciidanka Xabashida Itoobiya ee soo weeraray deggaanka Madax-maroodi ayaa sidoo kale waxay dhaceen geel fara badan oo dadka deggaanku ay lahaayeen, kuwaas oo ay u dareersadeen aagaggii ay kasoo duullaan tageen.
Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya xad-gudubyada joogtada ah ee isugu jira dilka, dhaca iyo xasuuqa joogtada ah ee ciidamada xabashida Itoobiya ay ku hayaan muslimiinta Soomaaliyeed ku nool dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos-jira gumeysiga Xabashida Itoobiya.