Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saaka oo Arbaco ah, weerar culus oo cagmarin ah ku qaadeen saldhigyada maleeshiyada murtadiinta maamulka iskugu yeera Jubbaland ku leeyihiin Jaziirada Kudhaa ee ka tirsan wilaayada Jubadda hoose.
Jaziiraddan ayaa ah goob istiraatiiji ah oo ku taalla xeebta badweynta Hindiya, waxay na qiyaastii 130km koonfur-galbeed kaga beegsantahay magaalada Kismaayo, waxayna hoostagtaa degmada Badhaadhe.
Saliibiyiinta iyo murtadiinta ayaa qabsaday degmadan muhiimka ah sannadkii 2015, wixii xilligaas ka dambeeyayna waxay ku jirtay gacanta saliibiyiinta Kenya iyo murtadiinta Jubaland.
Xabadda mujaahidiinta waxay ka socotaa xeryaha murtadiinta ee deegaanka Kudhaa, haddbaa wixii soo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonnaa Insha’Allaah.