Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarkii cagmarinta ahaa ee ay ciidamada mujaahidiintu saaka oo Arbaco ah ku xoreeyeen deegaanka jaziiradda Kudhaa ee istaraatiijiga ah, halkaas oo saldhigyo ciidan ay kulahaayeen maleeshiyaadka maamul goboleedka ashahaada la dirirka Jubbaland.
Mujaahidiintu waxay Allaah fadligiis weerarkan barakaysan oo dhowr jiho ahaa cagta ku mariyeen saddex saldhig oo maleeshiyaadka murtadiinta ay kulahaayeen gudaha iyo duleedka Jasiiradda, waxayna gudaha u galeen Jasiiradda istiraatiijiga ah ee Kudhaa oo ay si buuxda ula wareegeen.
Faahfaahinno ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkan barakaysan, waxaana inta la xaqiijiyay lagu dilay 113 murtadiin ah iyo 47 dhaawac ah. Sidoo kale mujaahidiinta ayaa nolosha ku qabtay 15 maxaabiis ah. Dhimashada, dhaawaca iyo maxaabiista waxaa ku jira saraakiil muhiim u ahaa cadawga murtadiinta.
Weerarkaan ayaa Allaah fadligiis maanta si wayn loogu boqna gooyay maleeshiyada maamul goboleedka ashahaada la dirirka Jubbaland, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhibaatooyin ku hayay shacabka ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah ee Jubbada dhexe iyo Jubbada hoose.