Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku faahfaahiyay weerarkii cagmarinta ee ay ciidamada mujaahidiintu ku xoreeyeen jaziiradda Kudhaa ee ka tirsan wilaayada Jubbada hoose.
Sheekh Abu Muscab ayaa xaqiijiyay in weerarka Kudhaa lagu dilay inka badan 113 murtad iyo dhaawaca 47 kale, inta magacyadooda la helay saraakiisha weerarkaan lagu dilay ayuu sheegay inay gaarayaan ilaa 5 sarkaal oo goobta lagu dilay, inka badan 15 maxaabiis murtadiin ah inay mujaahidiintu ku qabteen weerarkan ayuu sidoo kale xaqiijiyay.
Sheekh Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkan uu aargud u yahay dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan wilaayaadka islaamiga, gaar ahaan shacabkii Maraykanka iyo murtadiinta Jubbaland ku xasuuqeen degmada Jammaame, farriin adag ayuu sheekhu u diray maleeshiyada maamulka ashahaada la dirirka Jubbaland, wuxuu farriin gaar ah u diray maleeshiyada Liyuu Booliska Riddada ee Soomaali-galbeed looga soo daabulay inay xasuuqaan shacab muslimiin ah oo aan waxba galabsan.
Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa dhanka kale diray farriimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin mid ku socota dadka u kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe, si gaar ah ayuu sheekhu ugu caddeeyay shacabka halkaas ku socdaala in mujaahidiintu jareen waddada isku xirta Cadalle iyo Ceeldheer, wuxuu sheegay inay waddadu miineysan tahay oo aan la mari karin, haddii martana ay nafteeda ku qamaartay.
Wuxuu sidoo kale sheekhu ka warbixiyay howlgallo kala duwan oo ka kala dhacay wilaayaadka islaamiga ah, kuwaas oo qaarkood lagu fashiliyay weeraro habeen-dheelmad ah oo murtazaqada Maraykanku kusoo qaadeen wilaayaadka islaamiga ah, oo uu ka mid yahay weerar lagu fashiliyay deegaanka Buur-eylo ee Baay, halkaasi oo askar looga dilay tiro askar Danab ah, bulshada wilaayaadka islaamiga ah ayuu sheekhu ugu bishaareeyay in cadowgu jabeen oo ay ku jiraan rafadkii u dambeeyay, wuxuu ugu bishaareeyay inay haystaan rag mujaahidiin ah oo derbi u ah, kuwaas oo ka hortagay duullaannada habeen-dheelmadka ah ee ay saliibiyiinta Maraykanka iyo murtazaqadooda soo qaadeen, una diyaarsanyihiin inay ka hortagaan isku day kasta oo ka dhan ah wilaayaadka islaamiga ah.
Halkan Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Sheekh Abuu Muscab.