Golaha mucaaradka ridada ayaa magaalada Nairobi kula kulmay gaalada Beesha Caalamka kuwaasi oo ay u gudbiyeen eedeyn ka dhanka Xasan Gurguurte:
Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi caasimada dalka Kenya ayaa tilmaamaya in xubnaha mucaaradka oo isugu jira golaha Samatabixinta, iyo madaxda maamulada ridada ee Puntland, iyo Jubaland ay kulan la qaateen xubnaha gaalada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.
Kulankaani ayey mucaaradka kusoo gudbiyeen eedeyn ay ka wadeen Xasan Gurguurte oo ah madaxa kooxda ridada Soomaaliya kaasoo ay ku eedeeyeen inuu doonayo muddo kordhin xilli uu dhammaad yahay mudde xileedkiisa.
Mucaaradka ayaa gaalada Caalamka u sheegay inaysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin uu sameysto Xasan Gurguurte, haddii arrintaasina dhacdana ay noqon doonto mid keenta xalilooni darro siyaasadeed iyo mid amni.
Xubnaha gaalada Beesha Caalamka oo iyagana soo saaray war kooban ayey ku sheegeen in Xasan Gurguurte mudde xileedkiisa ay ka harsan tahay bilo kooban sidaas darteed aanan laga aqbali doonin muddo kordhin.
Waxayna ugu baaqeen Gurguurte in kahor inta uusan ka dhammaan mudde xileedka inuu la heshiiyo mucaaradka si loo qabto doorasho heshiis lagu yahay.
Arrintaani waxay imaanaysaa xilli dhawaan kooxda ridada ay ku dhawaaqday gogol wadahadal oo dhexmara iyaga iyo mucaaradka taasoo ilaa haatan mucaaradka aysan ka hadlin balse lagu wado inay war kasoo saaraan haddii ay ka qeybgalayaan shirkaasi iyo haddii ay diidan yihiin.