Ciidamada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degmada Afgooye ku dileen khaarajiyeen askari katirsanaa murtadiinta oo lagu magacaabi jiray Cali Muudeey.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada kuffaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Yugaandha ay kaga suganyihiin deegaanka Golweyn, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha degmada Baladxaawo, kaasi oo lala eegtay fariisin ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Riddada, waxaana ku dhaawacmay hal askari oo murtad ah.