Tobanka dambe ee Ramadaan waa maalmo dahabi ah oo sannadkiiba mar soo mara muslimiinta, waxaana tobankan dambe ku jira fadli dheeraad ah, sida inay ku jirto habeen ka khayr badan kun bilood waana Laylatul qadriga.
Haddaba maadaama aan toos u guda galnay tobanka dambe ee bisha Ramadaan waxaa la inaga doonayaa inaynu ka faa’idaysanno khayrka ka buuxa 10-kan dambe oo aan badinno Qur’aan akhriska, qiyaamka, Adkaarta iyo sadaqada, Sheekh Fu’aad Muxammad Khalaf oo ka mid ah culimada diinta islaamka ayaa jeediyay muxaadaro kooban oo ku saabsan fadliga 10-ka dambe ee bisha Ramadaan.
Halkan Ka Dhagayso Sh Fu’aad Iyo Tobanka Dambe Ee Ramadaan.