Xilli uu cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhex qarxay maamullada riddada ee Muqdisho iyo Baydhabo ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo if-baxayay siyaasiyiin ka hor-yimid nidaamka murtad Xasan Sheekh Maxamuud.
Afar xubnood oo ka tirsanaa guddiga fulinta Xisbiga Gurguurte ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyey inay iska casileen xubinimadooda xisbiga, iyagoo sabab uga dhigay saluug ay sheegeen inay ka muujiyeen hab-dhaqanka murtad Gurguurte.
Xubnahan ayaa ku eedeeyay madaxa kooxda Villa Soomaaliya, in uusan ixtiraamin wax ay ku sheegeen xeerarka xisbiga iyo dastuur-gaalleedka ay dejisteen, isla markaana uu wado tallaabooyin kala irdheynaya shacabka Soomaaliyeed.
Waxay tilmaameen xubnahan oo kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya, in Gurguurte uu weerarro qaawan ku hayo maamulka Baydhabo, isla markaana uu dhaawacayo midnimada iyo wadajirka dalka.
Geesta kale, ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Gurguurte uu bilaabay abaabulka maleeshiyaad uu doonayo inuu kula dagaallamo maamulka Koonfur-galbeed, kuwaas oo qaybtii ugu horreysay uu saaka u daabulay magaalada Baraawe.
Koonfur Galbeed ayaa iyaduna joojisay duullimaadyada diyaaradeed ee deggaannadaasi, waxaana la sheegay in saaka ay hubka lidka diyaaradaha geysay garoonka Baydhabo, si ay uga hor-tagto siyaasiyiin iyo maleeshiyaad uu soo abaabulay Gurguurte.
Xiisaddan sii laba-kaclaysay, ayaa kusoo aadaysa xilli maamul-goboleedkii saddexaad uu xiriirka u jaray kooxda Villa Soomaaliya, isla markaana murtad Laftagareen uu si rasmiya shalay ugu dhawaaqay inay qaadaceen dastuur-gaalleedka cusub ee uu samaystay murtad Gurguurte.