Warbixin cusub oo soo baxday ayaa lagu shaaciyay tirada rasmiga ee daadad ku dhuftay magaalooyin dhaca dalka Kenya, halkaas oo ay ku nafwaayeen dad kor u dhaafaya 100 qof.
Wazaaradda arrimaha gudaha ee Kenya, ayaa sheegtay in daadadka oo ka dhashay roobab ka da’ay dalkaasi ay saameeyeen ilaa 30 degmo oo kuyaal ismaamullo ay ka mid yihiin Kilifi, Bungoma, Nyeri, Kirinyaga, Nyandarua, Kiambu, Uasin Gishu iyo Mandheera.
Waxay warbixintu xustay in meelaha ugu daran ee ay daadadku saamaynta ku yeesheen ay ka mid tahay magaalada caasimadda ah ee Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen 37 qof, taasi oo ah dhimashada ugu badan ee laga diiwaan geliyay magaalooyinka Kenya.
Tirakoobka ayaa lagu sheegay in gobolka Bari laga diiwaan geliyay 26 qof oo dhimasho ah, Rift Valley oo kale waxay warbixinnadu xaqiijinayaan in la diiwaan geliyay dhimashada 14 qof, Nyanza waxaa daadadka roobka ka dhashay roobka ku dhintay ilaa 11 qof, gobolka dhexena 6 qof, Xeebta waxaa la xaqiijiyay dhimashada 5 halka tirada galbeedka laga diiwaan geliyay na ay tahay dhimashada 2 qof.