Wareegto kasoo baxay xaafiiska Siciid Deni oo ah madaxa maamulka ridada ee Puntland ayuu isku shaandheen ku sameeyeu golihiisa wasiirada.
Siciid Deni ayaa xilalkii ka qaaday xubno ka tirsan golihiisa wasiirada kuwaasi oo ka dhexmuuqday maamulka ridada Puntland.
Xubnaha xilka laga qaaday waxaa kamid ah Wasiir Cabdi Faarax Juxa oo ahaa wasiirkii Arrimaha Gudaha ee maamulkaasi kaasoo lagu badalay Cabdi Hirsi Cali Qarjab.
Sidoo kale Siciid Deni ayaa golihiisa wasiirada kusoo daray xubno horay xilal uga soo qabtay maamulka dhawaan laga dhigay magaalada Laascaanood kaasoo uu kamid yahay Farxaan Cali Hirsi kaasoo loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Puntland.
Lama oga waxay maamulkaani kusoo kordhin karaan golaha wasiirada cusub ee uu Deni magacaabay, xilli deegaanadaasi ay kusii xoogeysanayaan mucaaradka kasoo horjeeda maamulka Deni ee taageersan kooxda Ridada ee Xasan Gurguurte.