Maanta oo arabaco ah dowlada Iiraan iyo maamulka Yahuuda ayaa isweydaarsaaday duqeynihii ugu cuslaa iyada oo qaraxyo waaweyn laga maqlayo magaalada Dahraan iyo sidookale magaalooyinka kale ee sahaayinada xooga loogu deegaameeyay.
Dhawaqa digniinta bixiya ayaa si aad ah looga maqlaya, mandiqada khadka cas, jaliil, Jowlaan ilaa laga soo gaaro caasimada Talaabiib iyo sidookale gacanka Xayfa iyo saxaraha Al-Naqab.
Bartamaha caasimada Yahuuda ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhacay saaruukh kaas oo waxyeello ugeestay ilaa lix xaafadood oo kala duwan.
ilaa 25 qof ayaa ku dhaawacmay mid kamid ah sawaariikhdaasi sida ay sheegeen warbaahinta Yahuuda.
Dhanka xuduud-beenaadka udhaxeeya Filistiin iyo Lubnaan waxaa kasocda iska hor’imaadyo toos ah oo dhaxmaray ciidanka sahaayinada iyo uruurka isugu yeeray Xisbullah.
Ilaa dhow saaruukh oo laga soo tuuray dhinac lubnaaan ayaa ku dhacay deegaanada xooga lagu haysto ee Yahuudu daganyihiin iyadoo ay ka dhasheen khasaare kala duwan.
Dhanka Dahraan diyaaradaha dagaalka Yahuuda ayaa duqeymo aad uculus maanta ka fuliyay halkaasi iyadoo ay ka dhasheen burbur baaxadleh.
Bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Sahaayinada ayaa lagu sheegay in weeraradooda ay beegsadeen xarumo iyo kaabayaal dhaqaale oo ay leedahay dowlada Iiraaan ayna burburiyeen gabi ahaanba.