Iska horimaad hubeysan ayay wararku sheegayaan in maanta ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ugu yaraan 3 askari oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii mucaaradka Koonfur Galbeed ee Buurhakaba kasoo dhaqaaqay ayaa isku qabsaday xarunta degmada.
Sida ay xogtu tibaaxayso maleeshiyaadkan, ayaa qolo kastaaba ay gaar u sheeganaysaa masuuliyadda goobtaasi in ay iyagu ay leeyihiin.
Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha maleeshiyada ka timid Buurhakaba, ayaa sheeganaya in uu yahay gudoomiyaha degmada.
Maleeshiyaadka ayaa lagu soo warramayaa in iyaguna ay sheegeen in degmada uu ku shaqeynayo xubinta ay wataan oo aysan cid kale u ogoleyn.
Maleeshiyo kale oo kooxdan isku heyb yihiin ayaa weerartay, iyadoo isku-dhacaasi uu Boolisku dhexgalay, inkastoo aanu ku guulaysan inuu damiyo xiisaddaasi.
Si kastaba, Baydhabo weli waxaa ka socda beegsiga guryaha dadka ku dhow madaxweynihii baxsaday ee Laftagareen, iyadoo kooxda Gurguurte isku dayeyso inay qariso waxa socda.