Xilli khilaafka ka taagan doorashooyin gaaleedka murtadiinta ee u dhaxeeya madaxda kooxda Riddada iyo kuwa mucaaradka uu cirka isku sii shareerayo, madaxa kooxda Riddadana uu dhowaan duullaan millatari ku qabsaday mid ka mid ah maamul goboleedyada mucaaradka ah ku ah, ayay kooxdaasi ku billowdeen cadaadisyo dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed oo caalami ah.
Cadaadisyada dhaqaale oo ah tan ugu daran, ayaa lasoo wariyay in kooxdu wajihi doonto inta aan la gaarin bisha May ee soo socota, xilligaas oo ay ku egtahay muddo xileedka madaxa kooxda Riddada murtad Xasan Gurguurte.
Waxay ugu yeeraan Bangiga Adduunka, ayaa lasoo wariyay uu hakin doono dhaqaalaha uu ku bixiyo kooxda Riddada Soomaaliya, inta aan la gaarin May ayaana la sheegay inay suuragal tahay in la hakiyo taageerada dhaqaale ee uu bankigaas ku bixiyo kooxda Villa Somalia.
Diblumaasiyiin xogta laga soo xigtay, ayaa tilmaamaya in go’aankan uu dhici karo, haddii aysan kooxda Riddadu ka laaban dhabbaha ay hadda ku socoto, heshiis na aan laga gaarin arrimaha doorashooyinka.
Wararku waxay intaas ku darayaan in qorshahan ay qayb ka yihiin qaar ka mid ah maamul goboleedyada mucaaradsan siyaasadda kooxda Gurguurte, waxay ku doodeen baa la yiri in bisha May ay dhamaanayso muddo xileedka madaxda Villa Somalia, wixii ka dambeeyana taageerada dhaqaale loo arko mid ku dhacaysa jeebka shakhsiyaad muddo xileedkoodu dhamaaday.
Bankiga Adduunka, ayaa la sheegay in kooxda Riddada Somalia uu sannad walba ku bixiyo taageero dhaqaale oo u dhaxaysa 100/200 Milyan oo Dollar, isqabqabsiga arrimaha doorashooyinka ee hadda taagan, ayaa la sheegayaa in uu sababi karo in dhaqaalahaasi ay wayso xukuumadda Riddada.
Waxay tani kusoo beegmaysaa xilli masuuliyiin ka tirsan kooxda uu madaxa u yahay murtad Gurguurte loo sheegay in lagala laabtay Visaha Maraykanka, taasi oo halis gelinaysa safarradii qorshaysnaa ee mas’uuliyiinta murtadiinta, gaar ahaan xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee kooxdaasi oo la sheegay in bartamaha bishan April ay ku wajahnaayeen Washington.