Qaylo-dhaan culus ayaa kasoo yeertay qoys deggen magaalada Eldoret ee dalka Kenya, kuwaas oo codsi u diray madaxweynaha Kenya William Ruto si uu gacan uga geysto furdaaminta aabahood oo ah sarkaal ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya, kaas oo u gacan-galay Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Ciise Ibraahim, ayaa ka mid ahaa saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada saliibiyiinta Kenya oo lagu qabtay dagaal 15-kii Janaayo 2016 mujaahidiintu ku qaadeen xero ay ciidamada Kenya ku lahaayeen magaalada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.
Qoyska sarkaalkan ka tirsan Ciidamada Difaaca Kenya oo in ka badan 10 sano gacanta ugu jira mujaahidiinta, ayaa ka coday William Ruto inuu soo farageliyo oo uu ka caawiyo sidii loo heli lahaa ama loo ogaan lahaa meesha uu ku sugan yahay.
“Qoys ahaan, waan argagaxnay oo jahawareer ayaan ku jirnaa. Ninkii na quudin jiray lama hayo. Waxaan helnay wicitaanno na weydiinaya in aabbay la helay. Laakiin xaqiiqadu waa in weli aan raadineyno…” ayay tiri Khadra Cabdullaahi Ciise oo sarkaalkan maxbuuska ah uu dhalay.
Sida ay xogtu sheegayso, qoyska sarkaalkan, ayaa hadda doonaya inay la kulmaan wasiirka gaashaandhigga Kenya, oo ay aaminsan yihiin in wasiirku yahay qofka kaliya ee arrintan gaarsiin kara madaxweynaha si xal degdeg ah loo helo.
“Xilligan, dhammaantayo waan murugaysannahay, aniguna aad ayaan u tabayaa aabbahay. Ma naqaan halka uu joogo, mana garanayno meel aan u jeedsanno,” ayay mar kale warbaahinta Kenya u sheegtay gabadha uu dhalay sarkaalkan ku jira gacanta mujaahidiinta.
Waxay intaas raacisay “Waxaan rabnaa inaan la kulanno wasiirka gaashaandhigga, sababtoo ah waa waajibkeeda inay ogaato xaaladda iyo halka ay ku sugan yihiin askarta loo diray Soomaaliya, sidoo kale waxaan rabnaa inaan la kulanno madaxweynaha si uu nooga saaro xanuunkan.”
Qoyska ayaa geesta kalena sheegay in tan iyo markii aabbahood u gacan-galay mujaahidiinta muddo laga joogo 10 sano ka hor, ay dowladda Kenya marar badan u ballanqaadday caawimaad, balse ilaa hadda aanay ka helin wax garab istaag ah.
Deriska ayaa dhankooda iyaguna warbaahinta Kenya u sheegay in qoyska uu sarkaalkani ka maqan yahay uu ku dhacay niyad-jab aad u xooggani, waxayna ku baaqeen in la dedejiyo dadaallada la doonayo in lagu soo furdaamiyo askarigaasi.
“Waan ku farxi lahayn haddii askariga la sii daayo oo uu dib ula midoobo qoyskiisa. Qoys ma dhammaystirmo la’aanta aabbaha. Wuxuu ka tagay meel bannaan oo weyn, war kasta oo been ah-na wuu dhaawacayaa,” ayuu yiri qof kale oo ka mida deriska qoyska.
Sida ay warbaahinta Kenya sheegtay qoyska ayaa horey uga quustay sarkaalkan, waxaanay ku dareen liiska askartii tiro-beelka ahayd ee ku naf-wayday dagaalkii Ceel-cadde, balse muddo kabacdi ayuu askarigani lasoo xiriiray qoyskiisa isagoo u xaqiijinaya inuu nool yahay.
Sidoo kale sarkaalkan ayaa horraantii 2025 kasoo muuqday muuqaal uu baahiyey Kataa’ib Al-ikhbaariyah, kaas oo uu dowladda Kenya uu kaga codsanayo inay ka shaqayso sidii loo sii dayn lahaa, isagoo walaac ka muujiyey mustaqbalkiisa haddii baaqiisa aan la ajiibin.