Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Heshiis Xabbad-joojin Ah Oo Ka Dhaqan-galay Lubnaan.
  • Allposts
  • Warar

Heshiis Xabbad-joojin Ah Oo Ka Dhaqan-galay Lubnaan.

April 18, 2026

Heshiis xabbad-joojin ah oo wada-jir ay u gaareen maamullada Lubnaan iyo Yahuudda ayaa dhaqan-galay habeennimadii jimcaha, kaas oo lagu tilmaamay isku-day la doonayo in lagu xakameeyo xiisadda, laguna furo jid wada-hadal oo dowladda saliibiyadda Maraykanku ay garwadeen ka tahay.

Heshiiskan oo uu ku dhawaaqay Trump, ayaa ka kooban lix qodob, oo ay ka mid yihiin in marka hore xabad-joojintu ay socon doonto muddo 10 maalmood ah, suurogal-na ay tahay in la kordhin karo haddii horumar siyaasadeed la gaaro.

Yahuudda ayaa la sheegay in muddadaasi ay joojin doonaan weerarrada ay ka fuliyaan gudaha Lubnaan, halka maamulka Lubnaan laftarkiisana lagu amray in isaguna uu xakameeyo weerarrada ay fuliso Xisbullah ee ka dhanka ah Sahaayinada.

Dowladda Iiraan ayaa iyaduna dhankeeda waxay si ku-meel-gaar ah dib u furtay marinka Hormuz kadib xabbad-joojinta 10-ka maalmood ah ee la dhex dhigay Yahuudda iyo Lubnaan, taas oo rajo-gelisay wadahadallo nabadeed.

Si kastaba ha ahaatee, Dahraan waxay uga digtay Mareykanka in mar kale ay xiri karto marinka, haddii aan la qaadin go’doominta maraakiibta ee lagu soo rogay dekedaha Iran.

Madaxweynaha Maraykanka Gaal Donald Trump ayaa soo dhoweeyey furitaanka marinka, balse wuxuu ku adkaystay in go’doominta saaran dekedaha Iran ay sii jiri doonto ilaa inta heshiis buuxa laga gaarayo.

In kasta oo lagu dhawaaqay in marinku furan yahay, haddana maraakiib badan ayaa ka labalabaynaya, kuwaas oo dib u soo laabtay cabsi ay ka qabaan miinooyin iyo is-faham la’aan dhanka amniga ah.

Iran waxay sheegtay in dhammaan maraakiibta ganacsiga caadiga ah loo oggol yahay inay maraan marinka Hormuz, marka laga reebo maraakiibta Yahuudda iyo kuwa Maraykanka.

Warka ku saabsan furitaanka ku-meel-gaarka ah ee marinka Hormuz ayaa horseeday in qiimaha saliidda adduunku uu hoos u dhaco qiyaastii 10%, halka suuqyada saamiyaduna ay kor u kaceen.

Dhinaca wadahadalladii Iiraan iyo Maraykanka oo maalmahan u dambeeyey rajo fiican laga muujinayay inay dib uga furmaan waddanka Pakistan, ayaa weli waxaa taagan is-mari-waa ku saabsan dhinaca Barnaamijka Nukliyeerka.
Mareykanka ayaa la sheegay in weli uu ku adkaysanayo in meesha uu ka saaro kaydka yuraaniyamka ee dowladda Iran, halka maamulka Dahraanna uu diiddan yahay arrintaasi.

Trump, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegay in dowladdiisu ay Iran kala shaqayn doonto sidii loo soo saari lahaa uranium-ka tayeysan, kadib-na dib loo geyn lahaa Maraykanka, isagoo sheegay in hawshaasi si tartiib ah oo qorshaysan loo fulin doono iyadoo la adeegsanayo qalab culus oo qodis ah.

Iran ayaa si cad u beenisay in ay ogolaatay in uranium-keeda loo wareejiyo Maraykanka sida uu ku dhawaaqay Trump, waxayna ku adkaysatay in tani aysan waligeed qorshe u ahayn.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Ismaaciil Baqaa’i, ayaa sheegay in uraniyamka Iran aan meelna loo wareejin doonin, bayaankaas oo muujiyey in warka Trump uu yahay mid been abuur ah oo sal iyo raad toona aan lahayn.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-10-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -01-Dulqicdah-1447-Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada