Maxamuud Sayid Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka ashahaada la dirirka Jubbaland, ayaa ka hadlay halka uu marayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan maamulkisa iyo kan kooxda Riddada Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay degmada Doolow ayuu ku sheegay in kooxda Riddada ee uu hoggaamiyo murtad Gurguurte ay cunaqabatayn ku hayso gobolka Gedo oo ka mid ah goobaha ay isku hayaan labada dhinac.
Wuxuu tilmaamay in Xasan Gurguurte uu ku hanweyn yahay in uu kursiga iska sii fadhiyo, isaga oo wax kasta oo caqabad ku ah maamulkiisa is dhaafinaya sida uu hadalka u dhigay Maxamuud Sayid Aadan, ujeedka Xasan Sheekh ayuu ku sheegay in uu dalka ka dhaco dhaqaale badan.
Wuxuu ka hor-yimid qorshaha doorasho ee nidaamka Xasan Sheekh, isaga oo xusay in aan la fahmi Karin nooca doorasho ee uu Gurguurte ka qaban karo gobolka Gedo.
Waxay tani kusoo beegmaysaa xilli khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya kooxda Riddada Soomaaliya iyo maamullada mucaaradka ku ah ay sii xoogeysanayaan, Gurguurtena uu doonayo in uu meesha ka saaro maamullada isaga ka aragtida duwan wallow uu muddo xileedkiisu gabaabsi yahay.
