Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa sheegaya, in ugu yaraan 17 mayd oo la rumeysan yahay inay yihiin tahriibayaal, laga soo saaray xeebaha u dhow magaalada Zuwara ee galbeedka caasimadda dalkaas ee Tripoli.
Dhacdadan ayaa sida lasoo wariyey waxaa xaqiijiyay dhakhaatiirta Liibiya iyo sidoo kale Xarunta lagu magacaabay Gargaarka iyo Daawada Degdegga ah ee dalkaas oo hoostagta Wasaaradda Caafimaadkae e waddanka Liibiya.
Waxaana lagu soo waramayaa, in 14 ka mid ah maydadka si degdeg ah loo aasay, iyadoo aan la ogayn sababta sidaasi loo sameeyay. Waxa kale oo la sheegay in hal qof oo ka mid ah maydadka la aqoonsaday inuu u dhashay dalka Bangaaladheesh.
Qaar ka mid ah maydadkaas laga helay xeebaha Liibiya ayaana loo badinayaa inay ka mid yihiin dad Soomaali ah, halkaas oo ay ku yaallaan xabaalaha dad badan oo Soomaaliyeed oo doonayay inay u tahriibaan qaaradaha Yurub iyo Ameerika.
Dalka Liibiya ayaa ka mid ah marinnada ugu badan ee ay maraan dadka ka tahriibaya Afrikada saxaraha ka hosaysa, waxaana xeebaha u dhaxeeyo dalkaas iyo Yurub ku degay boqollaal doomood oo siday tahribiyaal Afrikaan u badan.