Maleeshiyada Tigreyga ee TPLF ayaa si rasmiya ugu dhawaaqday inuu burburay heshiiskii Pretoria ee ay kula jireen dowladda Xabashida Itoobiya.Jabhaddu waxay sheegtay inay dib u soo ceshanayaan maamulkii iyo dowladnadoodii jirtay ka hor inta uusan qarxin dagaalka Tigrey-ga ee 2020.
Go’aanka ay soo saareen maleeshiyaadka TPLF ayaa lagu sifeeyey mid soo dedejin kara dagaal mar kale dib uga soo curta waqooyiga Itoobiya.
Bayaan kasoo baxay golaha dhexe ee TPLF ayaa lagu shaaciyey go’aankan, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu shir uga socday magaalada Aksum ee gobolka Tigrey.
Qaybaha hore ee bayaanka ayaa eedaymo culus loogu jeediyey maamulka Abiy Axmed, oo la sheegay in uu ku fashilmay fulinta qodobadii heshiiska Pretoria.
Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in ay jiraan tacaddiyo xooggan oo shacabka Tigreygu uu kala kulmay ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya.
Ciidanka Federaalka Itoobiya oo lagu tilmaamay soo-duullayaal, ayay TPLF sheegtay inay geysteen xad-gudubyo ay ka mid yihiin dil, xarig iyo barakicin.
TPLF waxay xustay in macaluul darani ay soo wajahday shacabkii Tigrey-ga ee la barakiciyey, isla markaana loo diiday inay deggaannadoodii dib ugu laabtaan.
Waxa kale oo bayaanka lagu caddeeyey in TPLF uu dulqaadkii ka dhammaaday, isla markaana ay haatan u jihaysteen sidii nidiima iyagu ay maamulaan u samaysan lahaayeen.
Go’aannada ku qoran bayaanka ayaa la sheegay inay ka dhigan yihiin in TPLF ay doonayso inay kala dirto maamulka hoos-taga Abiy Axmed ee ka dhisan gobolkaasi.
Golaha dhexe ee TPLF ayaa carrabka ku dhufatay in haatan ay dhexda u xirteen sidii ay u soo ceshan lahaayeen awooddoodii millateri.
Waxa kale oo ay ka dhawaajiyeen in xiriir wanaagsan ay la yeelan doonaan dowladaha deriska iyo shucuubta Itoobiya, taas oo loo fasirtay inay damacsan yihiin gooni-goosad.