Dowladda Shiicada Iiraan ayaa markii ugu horreysay war kasoo saartay safiirka cusub ee Kayaanka Sahaayinadu uu u soo magacaabay maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, kadib markii ay u aqoonsadeen dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale.
Sida ay tebisay warbaahinta WANA oo fadhigeedu yahay caasimadda Tehran, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismaaciil Baqaa’i, ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Yahuuddu ay safiirka ugu magacowday maamulka Hargeysa.
Tallaabadan ayuu Afhayeenku ku tilmaamay astaan cad oo muujinaysa shirqoolka joogtada ah ee maamulka Yahuuddu uu doonayo inuu ku kala dhantaalo dalalka Islaamka.
Waxa uu muujiyey in marnaba aanay aqbali doonin in deggaannada Somaliland laga jaro Soomaaliya inteeda kale. Waxaanu falalkan ay Yahuuddu ka waddo Soomaaliya ku tilmaamay xad-gudub cad oo sidoo kalena ka dhan ah heshiiska urur-gaalleedka Qaramada Midoobay.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Ismaaciil Baqaa’i isagoo arrintan ka hadlaya, waxa uu yiri “Yahuuddu waxay si toos ah u weerarayaan madax-bannaanida, xorriyadda iyo wadajirka dhuleed ee dalka Soomaaliya.”
Ugu dambayn, afhayeenku wuxuu ku baaqay in laga dhiidhiyo fara-gelinta qaawan ee lagu hayo Soomaaliya, isla markaana si guud looga hor-tago xad-gudubka joogtada ah iyo is-fidinta uu Kayaanka Sahaayinadu ka wado dalalka Islaamka.