Ciidanka Booliiska dowladda saliibiyadda Kenya, ayaa lasoo wariyay in wiil dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed ay ku dileen nawaaxiga magaalada Gaarissa oo ka tirsan dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.
Ehellada wiilka la dilay, ayaa xaqiijiyay in wiilkooda oo lagu magacaabi jiray Aadan Maxamed Xasan oo da’diisu ahayd 22 jir uu si gaar ah ugu baxay gacanta askari ka tirsan Booliiska saliibiyiinta Kenya, dhacdadan ayuu mid ka mid ah ehellada ku sheegay inay tahay tii 3-aad oo askarigaasi ku dilo dhalinyarada Soomaaliya.
Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in dilku si gaar ah uga dhacay meel u dhow Modika, goobjoogeyaal ayaa sheegay in wiilka dhalinyarada ah uu ka mid ahaa darawallada kaxeeya gaadiidka loo yaqaan Tagaasida, waxaana uu dilkiisu dhaliyay kacdoon shacab oo aad u xooggan, dad aad u careysan ayaana isugu soo baxay waddooyinka magaalada, kuwaas oo dalbanayay in askariga saliibiga ah loo soo qabto dilka.
Sawirka askariga dilka gaystay ee ka tirsan Booliiska Kenya, ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, magaciisa ayaa lagu sheegay Kyalo, waana nin ay aad u baadi-goobayaan bulshada ku dhaqan Gaarisa.