Iyadoo ciidanka Iiraan ay maalinnimadii shalay gacanta ku dhigeen maraakiib doonaysay inay ka gudbaan marinka Hormuz, ayaa madaxa wada-xaajoodka Iran, Maxamed Baaqar Qaalibaaf uu sheegay in aysan suurtagal ahayn in dib loo furo marin biyoodkaasi iyadoo la tixgelinayo dhammaan xad-gudubyada cad ee heshiiskii xabbad joojinta uu ku sameeyey Maraykanku.
Xaaladda xabad-joojinta ayaa weli mugdi ku jirta, inkastoo Trump uu markii hore ku hanjabay inuu dib u bilaabi doono weerarka Iiraan, haddana saacado kadib ayuu saqdii dhexe ee habeen hore si lama-filaan ah ugu dhawaaqay in muddo aan cayinnayn oo daba-furan ah uu ku kordhiyey muddada heshiiska xabbad-joojinta ilaa Iiraan kasoo bandhigayso soo-jeedinteeda, lana dhamaystirayo wada-hadallada.
Saacado ka hor, madaxweyne Donald Trump ayaa xaqiijiyay inuu sii wadi doono xannibaadda badeed ee gacanka, balse uu oggolaaday inuu siiyo hoggaanka Iiraan waqti dheeraad ah si ay uga heshiiyaan hindise nabadeed cusub, sida uu ku qoray bartiisa xiriirka bulshadda.
Geesta kale Pentagon-ka ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay in xoghayaha ciidamada badda John Phelan uu si deg-deg ah isku is-casilay, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka Trump ilaa hadda aanay caddayn sababta dhabta ah ee mas’uulkaasi uu xilka uga tagay.
Si kastaba, mas’uuliyiinta Iiraan ma aysan sheegin inay oggolaadeen kordhintaas, waxayna dhaliileen go’aanka Trump ee ah inuu sii wadi doono xannibaadda badeed ee ciidamada Maraykanka ay ku hayaan ganacsiga Iiraan, taas oo Iiraan ku sifaysay dagaal toos ah oo lagu soo qaaday laguna jebiyey heshiiska xabbad-joojinta.
“Ma aanad gaarin ujeedooyinkaaga adigoo adeegsanaya weerar millitari, mana ku gaari doontid cabsi gelin, Waddada kaliya ee furani waa in la aqoonsado xuquuqda dadka Iiraan.” Sidaas waxaa baraha xiriirka bulshadda ku qoray Guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan, ahna madaxa wada-xaajoodka Maxamed Qaalibaaf.
Arrintan ayaa labada dhinac ku reebtay xaalad hakad ah, iyadoo marinka Hormuz weli si dhab ah u xiran yahay, taasoo culays saaraysa dhaqaalaha caalamka. Waxaanay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ay ka digeen in wax kasta oo carqaladeynaya amniga marinka loo arki doono khad cas, lagana bixin doono jawaab ku habboon.
Qiimaha saliidda cayriin ayaa sare u kacday, waxaanay foostadii kor u dhaaftay $100 Dollar markii ugu horreysay laba toddobaad gudahood, taas oo saameyn ku yeelanaysa dhaqaalaha adduunka. Xannibaadda marinka Hormuz ayaa sare u qaadaysa kharashyada ganacsiga, waddamada waaweyn ayaa laga soo weriyey in hadda ay bilaabeen isticmaalka saliiddii ay horay u dhigteen, maadaama malaayiin foosto oo shidaal ah laga joojiyay suuqyada muhiimka ah.
Trump ayaa sheegay in Maraykanku oggolaaday codsi ka yimid dhexdhexaadiyeyaasha Pakistan si loo hakiyo weerarrada ilaa hoggaanka Iiraan ay keenaan qorshe mideysan. Afhayeenka Aqalka ayaa sheegtay inuusan jirin waqti kama dambeys ah oo la dejiyay.
Sidoo kale afhayeenka cad waxay intaas raacisay in qabsashada maraakiibtu aysan jebin xabbad-joojinta maadaama aysan ahayn ayay tiri, maraakiib ay leeyihiin Maraykank ama Yahuudda, balse waxay tallabadaasi ku tilmaantay “burcad-badeednimo,” ay fuliyeen ciidanka Iiraan.
Dowladda Pakistan, oo dhexdhexaadiye ka ahayd, colaadda ka dhex aloosan Maraykanka iyo Iiraan, ayaa weli isku dayaysa inay labada dhinac isu keento kadib markii ay fashilmeen wadaxaajoodyo horey loo qorsheeyay oo ka dhacay caasimadda Islamabad.
Maraykanka iyo Yahuudda oo isku dhinac ah iyo Iiraan ayaa mid weliba uu dhankiisa u sheeganayaa in dagaalka uu ku guulaysanaayo. Iiraan ayaa xalay ilaa habeen hore wadday soo bandhigista hubkeeda riddada dheer ee ballistic-ga iyo sidoo kale diyaarado casriya oo ah nooca bilaa duuliyaha ah, iyadoo ay barbar socdeen farriimo lagu muujinayay in marinka Hormuz uu si buuxda ugu jiro gacanta Iiraan.
Weli khilaafka waa mid sii xoogaysanaya, Trump wuxuu doonayaa in Iiraan ay ka tanaasusho uranium-ka aadka loo kobciyay si looga hortago hubka nukliyeer-ka Iiraan, halka Tehran ay sheegtay inay leedahay barnaamij nukliyeer oo rayid ah oo nabadeed, waxayna dalbanaysaa in la qaado cunaqabataynta iyo in iyada loo daba-fariisto gacan-ku-heynta marinka Horumuz.
Iiraan ayaa sidoo kale shardi ka dhigtay in la gaaro xabbad-joojin u dhexeysa ururka shiiciga ah ee Xisbullah iyo Kayaanka Sahaayinada, taas oo hawl-gal uu Trump ka sameeyey arrintaasi lagu gaaray heshiis aan cago buuran ku taagnayn oo xabbad-joojin ah.
Dhanka kale, weerarro cusub oo Yahuuddu ka geysatay Lubnaan ayaa muujinaya suurtagalnimada in wadaxaajoodyadu fashilmaan, iyadoo Wakaaladda Wararka ee Tasnim ay sheegtay in Iiraan isu diyaarineyso marxalad cusub oo dagaal. Waxaanu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan, Ismaaciil Baqaa’I uu sheegay in ciidamadoodu ay ku jiraan heegan buuxa.