Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Paistan.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Wararkii Ugu Dambeeyay Xaaladda Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Paistan.

April 25, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbas Caraaqji ayaa Jimcihii shalay gaaray caasimadda Pakistan ee Islamabad si uu mas’uuliyiinta waddankaasi ugala hadlo soo jeedinno ku saabsan dib u bilaabista wadahadallada nabadda ee Mareykanka, tallaabadaas oo dib u soo noolaysay rajada laga qabo soo afjaridda dagaalka Bariga Dhexe.

Madaxweynaha Maraykanka Saliibiga lagu magacaabo Donald Trump ayaa Jimcihii, wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Iran ay qorshaynayso inay soo bandhigto dalab lagu qanciyo baahida Maraykanka, balse wuxuu carrabka ku dhuftay inuusan weli ogayn waxa dalabkaasi ka kooban yahay.

Mar la weydiiyay cidda Maraykanku wadaxaajoodka la leeyahay, Trump wuxuu yiri: “Ma rabo inaan taas sheego, laakiin waxaan la macaamilaynaa dadka hadda talada haya.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa isna bartiisa xiriirka bulshadda ee X, ku qoray in mas’uuliyiinta Iran aysan qorshaynin inay la kulmaan wakiillada Maraykanka, inkastoo ergada gaarka ah ee Maraykanka ay qorsheeyeen inay u safraan Islamabad. Isagoo afhayeenku intaas ku daray in walaacyada Iran loo gudbin doono mas’uuliyiinta Pakistan.

Ka dib duqeymo uu Mareykanku fuliyay iyo in fal-celinno adag oo Iran ay ka bixisay isla markaana ay xannibtay marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, labada dal waxay galeen xaalad is-mari waa ah oo qiimo dhaqaale oo aad u sarreeya ku kacday, iyadoo dhoofinta shidaalka Iran la xannibay, dhinaca kalena qiimaha shidaalka Mareykanku uu gaaray heerkii ugu sarreeyay sannado badan.

Ka hor hadalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, afhayeenka Aqalka Cad haweenayda lagu magacaabo Karoline Leavitt (Keerolaayn Leefet) ayaa sheegtay in ergada gaarka ah ee Maraykanku ay subaxnimada sabtida u baqooli doonaan Pakistan si ay ula kulmaan Wasiirka khaarajiga Iiraan Cabbaas Caraaqji.

Karoline Leefet rajo fiican ayay ka muujisay kulankaasi, waxay sheegtay in Maraykanku dareemay maalmahan u dambeeyey horumar ka yimid dhinaca Iran, iyadoo muujisay yididiillo hor leh oo ay quudaraynayso la arki doono dhammaadka usbuucan.

Waxa kale oo intaa ay ku dartay in Madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka, oo horraantii bishan hoggaaminayay wareeggii ugu horreeyay ee wadahadalladii fashilmay ee la doonayay in lagu soo afjaro dagaalka, uu isna haatan diyaar u yahay inuu u safro waddanka Pakistan.

Dhanka kale, ilo Pakistani ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in koox Mareykan ah oo dhinaca saadka iyo amniga qaabilsan ay horey ugu sugnaayeen caasimadda Islamabad, si ay u diyaariyaan wada-xaajoodyo suurtagal ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa xaqiijisay imaatinka Cabbaas Caraaqji ee Islamabad, halkaasoo oo si weyn looga dareemay dhaqdhaqaaqa ciidan kala duwan oo aad u xooggan, kuwaas oo isku baahiyey qaybaha dhexe ee magaalada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraqji ayaa la sheegay in isla markiiba hoteelka la dejiyey uu kulan fool-ka-fool ah kula yeeshay dhiggiisa Pakistan Isxaaq Daar, halkaasoo lagu qabtay wareeggii ugu horreeyay ee wadahadallada Mareykanka, sida ay sheegeen laba ilo-wareed oo dhinaca dowladda ah.

Caraaqji Araqchi ayaa bartiisa xiriirka bulshadda ku sheegay inuu booqanayo dalalka Pakistan, Cumaan iyo Ruushka si uu ula tashado xulafadiisa arrimaha laba geesoodka ah iyo xaaladaha gobolka. Safarka ayaa waxaa ku jiri doono dedaalladan ugu dambeeyay ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, sida uu goor dambe afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran u sheegay warbaahinta dowladda.

Wasiirka Dagaalka ee Maraykanka ayaa shir jaraa’id oo jimcihii uu qabtay ku sheegay in Iran ay weli haysato fursad ay ku sameyso heshiis wanaagsan oo ay la gasho Mareykanka, isagoo shardi ka dhigay in marka hore ay ka tanaasusho hubkeeda nuyukliyeerka.

Wadahadalladii nabadda ee la filayay inay dib u bilaabmaan Talaadadii lasoo dhaafay ayaa fashilmay, kadib markii Iran ay sheegtay inaysan diyaar u ahayn ka qayb-galka wada-xaajoodkaasi, halka weftigii Maraykankuna ay kadib iyaguna joojiyeen aadista waddanka Pakistan.

Xabad-joojintii Iiran iyo Maraykanka ayuu Trump, talaadadii lasoo dhaafay si iskiis ah kelidii ugu kordhiyey muddo aan cayinnayn oo daba-furan ah, ilaa inta Iraan ay dib ugu kusoo laabanayso miiska wada-hadallada.

Qiimaha shidaalka ayaa weli is bedbedelaya, waxaanay ganacsatadu ay muujinayaan walaacyo hor leh, oo ku saabsan carqalad ka dhalata suurtogalnimada inuu dhaco khalkhalka ugu weyn ee dunida soo mara taariikhda shidaalka, xilli rajo laga qabo wada-hadallada la filayo inay dib u bilowdaan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 08-Dul-qicdah-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 08-11-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada