Wararka ka imaanaya gobollada waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in kooxo hubaysan ay gacanta ku dhigeen markab shixnado shidaal ah siday iyo dhammaan shaqaalihii ajnabiga ahaa ee la socday.
Sida ay sheegeen dad ku sugan gobolka Bari kooxo hubeysan oo watay doonyo dheereeraya ayaa weerar burcad badeenimo ka geystay xeebaha degmada Bandarbeylla halkaas oo ay ku qabsadeen markab laga leeyahay wadanka Pakistan iyo shaqaalihii saarnaa.
Markabka oo kusii jeeday degmada Garacad ayaa siday shidaal balse intii uusan gaarin dekadda ayaa gacanta ugalay kooxo aad u hubaysan oo maraakiibta ku uguraasada badda gunteeda, goob joogayaal ku sugan gobolka Bari ayaa sheegay in kooxaha weerarka qaaday ay markabka ku heystaan xeebaha deegaanka Birinbaar halkaas oo ay gaareen ciidamo katirsan maamulka ashahaadda ladirirka Puntland.
Shaqaalaha Markabka oo kasoo kala jeeda wadamada Pakistan iyo Hindiya ayey burcaddu ku amreen in aysan wax dhaq dhaqaaq ah sameyn karin.
Bishii lasoo dhaafay ayay kooxo hubaysan sidaan oo kale markab uga qafaasheen xeebaha gobolka Bari ee dalka Soomaaliya, wuxuuna falkan kusoo aadaaya xilli loollan hubaysan ay ka socdaan marrinada Hormuz iyo Baabul Mandab oo muhiim u ah maraakiibta ganacsiga caalamka.