Weeraro culus oo ku billowday jugtada qaraxyo culus, sidoo kalena barbar socdeen dagaalyahanno hubeysan ayaa lagu ekeeyay magaalooyin waawayn oo dhaca Maali oo ay ugu horrayso Bomako oo ah magaalo madaxda, halkaas oo ay gudaha u galeen ciidamo aad u qalabeysan oo ka tirsan mujaahidiinta Nusratul Islaam wal-muslimiin.
Mujaahidiintu waxay weerararadan abaabulan si isku mid ah oo safballaaran ugu ekeeyeen bartamaha caasimadda Bamako, xilli dhanka kale burbureen furimaha millateri ee Waqooyiga iyo Bariga. muuqaallo laga helay goobta dagaalka ayaa muujinaya dagaalyahannada oo gudaha u galay bartamaha caasimadda Bamako.
Dagaallo culus ayaa lagu soo warramayaa in weli ay ka socdaan agagaarka qasriga madaxtooyada, iyadoo wararku ay tibaaxayaan in jihaadiyiin ka tirsan Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin oo aad u caabboon ay go’doon ba’an geliyeen aaggaasi.
Sidoo kale, guriga wasiirka difaaca Mali ee magaalada Kati, oo ah saldhig militari oo si adag loo ilaaliyo ayaa dhulka lala simay, waxaana jira warar hordhac ah oo tilmaamaya in la dilay taliyaha guud ee ciidamada Mali, halka warar kale ay tibaaxayaan in wasiirka difaaca ay jihaadiyiintu gacanta ku dhigeen ama sidoo kale la dilay. Iyadoo wararka qaarna ay ka dayrinayaan xaaladda madaxa sirdoonka.
Dagaalyahannada Dhaqdhaqaaqa Azawad oo gacan-saar la leh JNIM ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Kidal, waxaana la arkay iyagoo ku sugan gudaha xarunta maamulka gobolka, taasoo muujinaysa in awooddii dowladdu ka baxday jihada fog ee waqooyiga.
Sidoo kale jihaadiyiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin waxay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Gaaw, taasoo ka dhigan in guud ahaan waqooyiga iyo bariga dalka ay ka baxeen gacanta maamulkii daba-dhilifka ah ee fadhigiisu ahaa Bamako.
Muuqaallo laga soo qaaday furimaha dagaalka ayaa muujinaya khasaare aad u weyn oo gaaray maleeshiyaadka Mali, iyadoo la arkayo tiro badan oo askar ah oo la dilay, iyo tobanaan kale oo la qabtay, halka ciidamada rasmiga ah ay ku jiraan jahawareer iyo dibu-gurasho aan nidaamsanayn.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin iyo xoogagga Azawaadka gacanta ku dhigeen Baasaboorka iyo sidoo kale dareeska rasmiga ah ee guddoomiyihii degmada Kidaal General Al-xaaji Ag-gamu.
Muxammad Al-mowluud Ramadaan, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee dhaqdhaqaaqa Azawaadka, ayaa madaxda dowladaha dabadhilifyada ah ee Burkiina Faaso iyo Nayjar ugu baaqay inay ka fogaadaan dhacdooyinka ka dhacaya Maali.
Xafiiska Maraykanka ee Africa, ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay weerarka ballaaran ee mujaahidiinta Nusratul Islaam ka wadaan dalka Maali, sidoo kale midowga Africa, ayaa walaac ka muujiyay sidoo kalena cambaareeyay weerarada ka socda Maali.
Nidaamka milatariga ee dalka Mali wuxuu wajahaya imtixaan culus; iyadoo weerarradan isku marka ah ee lagu beegsaday caasimadda iyo dhicitaanka magaalooyinka waaweyn ee waqooyigu ay dalka gelinayaan xaalad u eg burbur dowladeed oo dhamaystiran.