Dowladda riddada Mali ayaa wajahaysa weerarradii ugu ballaarnaa ee dhaca sanadahan u dambeeyey, kadib markii weerarro saf ballaaran ah oo lagu qaaday magaalooyin waaweyn oo ay ka mid tahay caasimadda Bamako lagu dilay, Wasiirkii Gaashaandhigga, kaas oo lagu magacaabi jiray Saadiyo Kaamaara.
Qoyska Wasiirkan la khaarajiyey, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu ku dhintay weerar istish-haadiyo ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday gurigiisa oo u dhow caasimadda Bamaako.
Warbaahinta Ingiriiska laga leeyahay ay tibaaxday in ay jiraan warar sheegaya in Madaxweynaha maamulka riddada Maali, Jeneraal Assimi Goïta (Asiimi Quwiita), loo raray goob ammaan ah ka dib markii isagana mujaahidiintu ay weerareen gurigiisa.
Weerarradan oo geesta kalena sababay in si buuxda loogu xoreeyo magaalooyin waaweyn oo gacanta ay ku hayeen ciidamada Riddada Maali iyo ciidamada murtazaqada Ruushka, ayaa waxaa wada-jir u fuliyey ciidamada Mujaahidiinta nusratul Islaam Wal-muslimiin iyo jabhadda Tawaariq ee Azawaad.
Falanqeeye madax ka ah barnaamijka amniga ee gobolka Saaxil oo ay maamusho hey’ad-gaalleed laga leeyahay waddanka Jarmalka, ayaa sheegay in hawl-galkani yahay, weerarkii ugu ballaarnaa ee la isku dubbarido muddo sannado badan gudahood ah.
Dhowr saacadood ka dib, ilo amni ayaa sheegay in Wasiirka Gaashaandhigga isla markaana ahaa ninka labaad ee maamulka milatariga Mali, Saadiyo Kaamaara, uu u dhintay dhaawacyo culus oo ka soo gaaray weerarkan is-tishhaadiyada ahaa oo si gaar ah loogu beegsaday xaruntiisa deggaanka Kati ee kambalka caasimadda Bamako.
Dilka Saadiyo Kaamaara oo da’diisu ahayd 47 sano jir, ayaa la sheegay inuu dhirbaaxo kulul iyo dhabar-jab ku yahay golaha milatariga ee Mali, maadaama uu ku jiray shanta xubnood ee ugu sarreeya golahaasi, isla markaana uu ahaa aasaasaha kooxdii millateriga ahayd ee August 2020 xukunka ka tuurtay maamulkii hore.
Wuxuu ka mid ahaa kooxda yar ee si dhabta ah u maamusha nidaamka riddada Mali, isagoo wada-shaqayn fiican la lahaa madaxa maamulkaasi, isla markaana lagu tilmaami jiray wasiir leh awood gudaha ah iyo mid gaarsiisan ilaa heer dibadeed. Isagoo dhanka kalena la sheegay inuu saamayn ku lahaa magacaabista xilalka waaweyn.
Wasiirkan laga takhallusay ee Wasaaradda Difaaca Mali oo wargeyska Ash-sharqul Awsad ula baxay Ninka Moosko, ayaa loo arkaa maskaxdii ka dambeysay beddelka saameynta Faransiiska ee Mali iyo iskaashiga Ruushka, isagoo tababar millateri oo heerkiisu sarreeyo kusoo qaatay waddanka Ruushka.
Maalmo ka hor afgembigii millateri ee Mali ka dhacay 2020-kii ayuu dalka kusoo laabtay, isagoo kadib afgambiga loo magacaabay wasiirka difaaca, isla markaana uu bilaabay wada-hadallo qarsoodi ah oo uu ku keenayay ciidamada Ruushka, gaar ahaan kooxda Calooshood-u-shaqaystayaasha Fagner, oo haatan ku hawl-gala magaca Africa Corps.
Intii uu xilkan hayay, wuxuu booqashooyin ku gaalaa-bixiyey caasimadda Ruushka ee Moscow si uu u helo taageero militari iyo siyaasadeed. Waxaanu sidoo kale kaalin ka qaatay sameynta “Isbahaysiga Dalalka Saaxil” ee Mali, Burkina Faso, Niger, oo loo arko xudunta Ruushka ee Galbeedka Afrika.
Saadiyo Kaamaara, intii uu wasiirka ahaa wuxuu sameeyey nidaam uu hubka Ruushka iyo Turkiga ku bedelanayo macdanta qaaliga ah ee waddanka Maali, gaar ahaan dahabka. Waxaana hubkaas lagu xoojiyey ciidamada riddada Maali ee dagaalka kula jira Mujaahidiinta.
Kadib dilka wasiirka Difaaca iyo weerarro kale oo warbaahinta caalamku xaqiijisay in lagu beegsaday saraakiil millateri, xaaladda maamulka riddada Mali ayaa mugdi badan sii dhex muquuranaya marba marka ka dambaysa.
Falanqeeyayaal ay soo xigatay Sky News ayaa aaminsan in horumarka ay gaareen mujaahidiintu uu muujinayo fashilka ciidamada Ruushka kadib wixii ka dambeeyey fashilkii ciidamada Faransiiska, waxaana muuqata ayay yiraahdeen in Ruushku uusan awood u lahayn xakamaynta weerarada isku dubbaridan ee ka socda dalka oo dhan.
SKY NEWS, waxa kale oo ay tilmaantay in haddii xaaladda Maali sidan kusii socoto ay saamayn ballaaran ku yeelan doonto dalalka deriska, sida Burkino Faso iyo Niger, Waxaana suuro-gal ah ayay tiri in hoggaamiyeyaasha millateriga ee waddamadaasi ay ku qasbanaan doonaan wada-hadal ay la galaan Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin.