Waxa mar kale dib loo hawl-galiyey Golaha Gobolka Tigrey oo ku dhawaad saddex sano iyo bar saaxada ka maqnaa kadib markii shaqada laga joojiyey wixii ka dambeeyey heshiiskii nabadda ee 2022-kii Pretoria ay wada-jirka ugu gaareen dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF.
Golahan oo isla shalayba bilaabay shaqooyinkiisa ayaa Debretsion Gebremichael dib ugu soo doortay inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee maamul-goboleedka Tigrey. Iyadoo sidoo kalena kalfadhigaasi lagu doortay Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka golaha.
Debretsion Gebremichael waxa uu xilkan madaxweyne kasoo hayay gobolkaasi ka hor intii aanay dagaalladu ka dhicin, gaar ahaan muddadii u dhaxaysay 2018 ilaa 2020. Waxaanu sidoo kale muddo badan soo ahaa Guddoomiyaha ururka TPLF.
Tallaabadan oo la filayo inay cirka kusii laasho khilaafkii u dhaxeeyey TPLF iyo maamulka Abiy Axmed, ayaa timid ka dib markii Golaha Gobolka Tigrey ku doodday in dowladda federaalka Itoobiya ay ku xadgudubtay heshiiskii nabadda ee Pretoria.
Sidoo kale ururka TPLF wuxuu isna sheegay in dib u hawlgalinta Golahan iyo doorashada madaxweynaha cusub ay ka dambeysay ka dib markii ay si buuxda u garwaaqsadeen in dowladda federaalka Itoobiya ay si dhamaystiran jabisay heshiiskii Pretoria.
Waxay ku eedeeyeen maamulka Addis Ababa inuu ku guuldaraystay inuu si buuxda u hirgeliyo heshiiska, iyagoo tilmaamay in ciidamada “soo duulay” ee dowladda federaalku ay weli ku sugan yihiin qaybo ka mid ah gobolka Tigray, taasoo caqabad ku ah ayay yiraahdeen soo laabashada barakacayaasha.
Tallaabadan cusub ee ay qaadday TPLF, waxay ka hor imaanaysaa maamulkii maqaar-saarka ahaa ee gobolka Tigray ee uu hoggaaminayay Janaraal Tadesse Worede, kaas oo si toos ah u hoos-tagayay maamulka Abiy Axmed.
Sidoo kale go’aanka TPLF ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan walaacyada ka imanaya diblomaasiyiinta caalamka ee ku sugan Addis Ababa, oo ay ku jirto Midowga Yurub. Kuwaas oo muujiyey welwel xooggan oo ay ka qabaan in tallaabadani ay dib u kicin karto colaadda gobolka.
Waxa kale oo wararku tibaaxayaan in dowladda Mareykanku ay in muddo ah ku dedaalaysay sidii ay uga dhaadhicin lahayd hoggaamiyeyaasha TPLF inaysan qaadin tallaabooyin halis gelin kara Heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalladii dhiigga badan ku daatay ee gobolka Tigrey.
Hoggaamiyaha maamulka Abiy Axmed ugu magacaaban gobolka Tigrey, Tadesse Worede iyo sidoo kale hoggaamiyihii ka horreeyey Getachew Reda oo isna gacanta ugu jira maamulka Addis Ababa ayaa ka digay in tallaabadani ay wiiqi karto nabadda gobolka Tigrey.
Dowladda Eritrea ayaa taageeraysa tallaabada TPLF. Warar ayaa tilmaamaya in maamulka Asmara uu si gaar ah u danaynayay doorashada Debretsion Gebremichael. Dowladda Itoobiya ayaa ku eedaysay Eritrea inay ku xadgudbayso madaxbannaanideeda.