Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ismari-waaga Wadahadallada Iiraan Iyo Maraykanka Oo Weli Taagan.
  • Allposts
  • Warar

Ismari-waaga Wadahadallada Iiraan Iyo Maraykanka Oo Weli Taagan.

May 7, 2026

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saadaaliyay in dagaalka Iran uu si degdeg ah ku dhammaan doono iyadoo Tehran ay tixgelinayso soo jeedin nabadeed oo Maraykanku uu soo bandhigay.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in soo-jeedintu ay ay si rasmi ah u soo afjari doonto khilaafka iyadoo aan la xallin shuruudaha muhiimka ah ee Maraykanka ee ah in Iran ay joojiso barnaamijkeeda nukliyeerka oo ay dib u furto marin-biyoodka Hormuz.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in Tehran ay soo gudbin doonto jawaabteeda, halka xildhibaan Ibraahim Rezaei, oo ah afhayeenka guddiga siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga qaranka ee baarlamaanka, uu soo jeedinta ku tilmaamay rabitaan ka yimid dhinaca Maraykanka oo aan xaqiiqo ahayn.

“Waxay rabaan inay heshiis gaaraan. Waxaan yeelanay wadahadallo aad u wanaagsan 24-kii saac ee la soo dhaafay, waxaana suurtogal ah inaan heshiino,” ayuu Trump uu saacadihii lasoo dhaafay u sheegay suxufiyiinta, isagoo intaa ku daray in si deg-deg ah ay u soo afjari doonaan colaadda.

Trump ayaa si isdaba joog ah u soo bandhigay suurtogalnimada heshiis lagu soo afjarayo dagaalka balse ilaa hadda wax guul ah lagama gaarin. Labada dhinac ayaa weli isku khilaafsan arrimo kala duwan oo adag, sida arrinta nukliyeerka ee Iran iyo xakamaynta marin-biyoodka Hormuz.

Ilo-wareedyo dhinaca Pakistan ah iyo ilo kale oo la socday dhexdhexaadinta ayaa carabaabay inuu jiro heshiis hor-dhac ah oo ka kooban hal bog, kaas oo suurogal ah ayay yiraahdeen in lagu gaaro heshiis deg-deg loogu soo afjaro khilaafka.

Xogtu waxay intaas ku dartay in heshiiskan la filayo ee horu-dhaca ah kadib, ay bilaaban doonaan wada-hadallo lagu furayo maraakiibta ku xanniban Hormuz, lagu qaadayo cunaqabataynta Maraykanka ee Iran isla markaana lagu dejinayo xannibaadaha barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

Guddoomiyaha baarlamaanka Iran Muxammed Baaqer Qaalibaaf ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ku jeesjeesay wararka sheegaya in labada dhinac ay heshiis ku dhow yihiin, isagoo luuqadda qalaad ee Ingiriisida ku yiri erayo afsoomaali ku noqonaya “i aamin hawl-galku wuu fashilmay.”

Qaalibaaf ayaa sheegay in wararka noocan oo kale ah ay la mid yihiin marin-habaabinta uu wado Maraykanku kadib markii uu ku fashilmay inuu furo marin-biyoodka Hormuz.

Saameynta dhaqaale ayaa sii kordhaysa iyadoo qiimaha shidaalku kor u kacayo, isla markaana xisbiga Jamhuuriga ee Maraykankuna uu wajahayo cadaadis siyaasadeed ka hor doorashooyinka kongareeska.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Trump iyo maamulkiisu waxay 24-kii saac ee la soo dhaafay si joogto ah u beddelayeen mowqifkooda ku saabsan dagaalka Iran—mar waxay sheegayaan in xabbad-joojin jilicsan jirto oo hawlgalladii milatari dhammaadeen, marna waxay ku hanjabayaan duqeyn cusub oo ka dhan ah Iran.

Isbeddelka joogtada ah iyo farriimaha is khilaafsan ee maamulka Trump ayaa sababay jahawareer sii kordhaya, iyadoo istiraatiijiyadda Maraykanka ee Marinka Hormuz ay si degdeg ah isu beddelayso saacado gudahood.

Falanqeeye ay soo xigatay wakaaladda wararka Associated Press ayaa sheegay in maamulka Trump ay dhibaato ka haysato fariinta uu gudbinayo maadaama dagaalku uusan ahayn mid si wanaagsan loo qorsheeyey.

Sidoo kale falanqeeyahani wuxuu intaas ku daray in Trump uu hadda isku dayayo inuu ka hortago in dagaalku dib u bilowdo maadaama siduu rabay ay noqon wayday isla markaana shacabka Maraykanka uusan ka haysan taageero badan.

Arrinta Marinka Hormuz ayaa iyaduna noqotay mid aad u jahawareersan, waayo Maraykanku mar wuxuu sheegay inuu hagayo maraakiib, marna wuu joojiyay hawlgalkii, marna wuxuu ku hanjabay duqeyn cusub.

Safar la filayo in Trump uu ku tago Shiinaha ayaa isna loo arkaa mid wiiqi kara awoodda Mareykanka, maadaama laga yaabo inuu Shiinaha weydiisto gacan si loo xalliyo dhibaatada Marinka Hormuz.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhagayso Andalus Podcast: Shubuhaatka Dimuqraadiyadda Iyo Sheekh Jaamac Cabdisalaam.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -20-Dulqicdah-1447-Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 09-01-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 09-01-1448-Hijri.

June 24, 2026
Dab Ka Kacay Guri Uu Leeyahay Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Mucaaradka.
  • Allposts
  • Warar

Dab Ka Kacay Guri Uu Leeyahay Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Mucaaradka.

June 24, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -09-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -09-01-1448-Hijri

June 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada