Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Faransiiska Oo Ku Dhawaaqay In Cudurka Hantavirus Uu Ka Dillaacay Dalkaasi.
  • Allposts
  • Warar

Faransiiska Oo Ku Dhawaaqay In Cudurka Hantavirus Uu Ka Dillaacay Dalkaasi.

May 11, 2026

Wasiirka Caafimaadka Faransiiska haweenayda lagu magacaabo Stéphanie Rist ayaa maanta oo Isniin ah si rasmiya ugu dhawaaqday in cudurka halista ah ee hantavirus laga helay gudaha waddanka Faransiiska.

Waxay sheegtay in kiiskan si gaar ah looga helay haweenay u dhalatay Faransiiska kana mid ahayd rakaabka markab dalxiis oo cudukani uu dhawaan ka dillaacay, kaas oo kasoo shiraacday Argentina kuna sii jeeday Jamhuuriyadda Cape Verde.

Haweeneyda laga helay cudurkan ayaa ka mid ahayd shan rakaab Faransiis ah oo laga soo daad-gureeyey markabkii uu fayrasku ku faafay, kuwaas oo lagu geliyey karantiil magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.

Sida ay wasiiraddu u sheegtay idaacadda France Inter, haweenaydan laga helay cudurka ayaa aad u xanuunsatay habeennimadii Isniinta ee xalay, iyadoo baaritaanno lagu sameeyey ugu dambayn lagu xaqiijiyey jiritaanka xanuunkan.

Waxa kale oo xustay in afarta ruux ee kale ee weli ku jira Kantiilka laga helay natiijooyin taban, balse tijaabo kale lagu celin doono. Iyadoo saraakiisha caafimaadku ay sheegeen in ilaa hadda gudaha Faransiiska la aqoonsaday 22 xaaladood oo xiriir la leh Hantavirus.

Hawlgal dib loogu soo celinayo rakaabka saaran markabka dalxiiska ee cudurkani faafitaanka cudurkani uu ka dillaacay ayaa weli socda, iyadoo saraakiisha Mareykanka ay shalay Axaddii sheegeen in qof Mareykan ah laga helay fayraskan.

Saddex rakaab ah oo saarnaa markabka MV Hondius, ayaa ku naf-waayay xanuunkan, kuwaas oo kala ahaa lamaane u dhashay dalka Netherlands iyo sidoo kale haweeney u dhalatay waddanka Jarmalka, halka kuwo kalena uu soo ritay.

Axaddii shalay waxaa hawl-galkan lagu daad-gureeyey 94 qof oo ka mid ahaa rakaabkii saarnaa markabkan, kuwaas oo dib loogu celiyey 19 dal oo ay ka kala socdeen, sida ay ku dhawaaqday Wasiirka Caafimaadka Spain Mónica García oo ku sugnayd Tenerife oo ka tirsan jasiiradaha Canary ee dalka Spain.

Saraakiisha Spain ayaa sheegay in markabkan ay saarnaayeen ku dhowaad 150 rakaab iyo shaqaale ah, kuwaas oo ka kala yimid 23 dal, ayna daadgureyntoodu sii socon doonto, iyadoo la filayo in duullimaadyada ugu dambeeya galabnimada Isniinta lagu celin doono Australia iyo Netherlands.

Ururka la baxay Caafimaadka Adduunka WHO ayaa ku taliyay in dadkan lagas oo dejiyey markabka la saaro karantiil soconaya 42 maalmood iyo dabagal joogto ah. Dalalka sida Faransiiska, Spain, Giriigga, iyo Ingiriiska ayaa durba bilaabay karantiilka rakaabka soo laabtay.

Markabku wuxuu 1-dii April ka soo kicitimay magaalada Ushuaia. In kasta oo mas’uuliyiinta Argentina ay shaki geliyeen in fayraska halkaas laga qaaday, balse WHO ayaa aaminsan in qofkii ugu horreeyay uu qaaday fayraska ka hor intaan safarku bilaaban, ka dibna uu dhex-qaaday dadkii saarnaa markabka.

Hantavirus waa cudur ku dhaca kuna faafa jiirka, waxaana la sheegay in badanaa bani’aademka ugu gudbo habka neefsashada walxo hawada ku jira oo ka yimaadda saxarada jiirka ee qallashay. Isagoo keeni karaa qandho, daal, iyo dhibaatooyin culus oo ku dhaca sambabada ama kalyaha.

In kasta oo fayraskani uusan lahayn tallaal ama daaweyn gaar ah, khubarada caafimaadku waxay sheegeen in khatarta uu ku hayo caafimaadka guud ee caalamka ay tahay mid hooseysa, iyagoo hoos u dhigay isbarbardhigga lala samaynayo masiibadii Covid-19.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -24-11-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -25-11-1447-Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-Muxarram-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-Muxarram-1448-Hijri.

July 10, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-01-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-01-1448-Hijri.

July 10, 2026
Kooxda Gurguurte Oo Heshiis Hor Leh La Gashay Dowladda Masar.
  • Allposts
  • Warar

Kooxda Gurguurte Oo Heshiis Hor Leh La Gashay Dowladda Masar.

July 10, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada