Ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaallo culus oo toos ah ku mireeen xerada ciidamada Kuffaarta Afrikaanta gaar ahaan kuwa Yugaandha kaga suganyihiin deegaanka Buur-colow ee hoostaga degmada Baraawe ee Sh/hoose, waxaana halkaas ka dhacay dagaallo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale ciidamada mujaahidiintu waxay weerareen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ah kaga suganyihiin deegaanka Bariire ee hoostaga degmada Afgooye, dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan ee dagaalka la isku adeegsanayay ayaa si wayn looga maqlayay gudaha deegaanka iyo nawaaxigiisa.
Dhanka Banaadir, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen fariisin maleeshiyaadka murtadiinta ah ay ku leeyihiin xaafadda Iga daba-geey ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, lama helin xog intaas ka baxsan oo ku aaddan weerarka.