Kadib ammar uga yimid waxa loogu yeero beesha caalamka ayuu Siciid Cabdullaahi Deni hoggaamiyaha maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland safar kedis ah ku yimid garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Shalay gelinkii dambe ayuu Siciid Deni oo kasoo kicitimay magaalada Boosaaso wuxuu gaaray xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada shisheeye uga suganyihiin Soomaaliya ayna kuyaallaan safaaradaha dowladaha reergalbeedka.
Deni ayaa lafilayaa in uu ku biiro golaha Mustaqbalka oo ay mucaaradku ku midaysanyihiin si uu uga qeyb galo wadahadallo ay waxa loogu yeero beesha Caalamka garwadeen ka yihiin si xal looga gaaro khilaafka udhaxeeya kooxda Riddada iyo mucaaradka.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladaha shisheeye ee gacanta ku haya kooxda Riddada ay berri Xalane isugu geyn doonaan Shariif Sheekh Axmed,Siciid Deni iyo Xasan Gurguurte waxaana wadahadalladan lagu sheegay kuwa xal looga gaarayo hanaanka doorasho ee murtadiinta xilli 2 maalmood oo qura ay ka harsantahay muddo xileedka madaxa kooxda Riddada.
Lama oga in Axmed Madoobe iyo Qoorqoor ay ku biiri doonaan wahadallada Xalane balse waxay umuuqataa in kulankan uu yahay mid kedis ah oo dowladaha shisheeye ay ku qasbeen mucaaradka iyo Xasan Gurguurte in kulankan ay qaab qoor qabad ah uga qeyb qaataan.