Ciidamada Kuffaarta Afrikaanta ee muddada ku dhow labaatanka sano duullaanka saliibiga ah ku joogay dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay si toos ah u gudo-galay qorshe u muuqda mid ay kaga baxayaan saldhigyada ay kaga sugan yihiin koonfurta Soomaaliya.
Warsaxaafadeed fiidkii xalay kasoo baxay taliska ciidamada Afrikaanta ayaa lagu sheegay in hawl-galka AUSSOM oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS, uu sabtidii lasoo dhaafay si rasmi ah maamulka Saldhigga degmada Buurhakaba ugu wareejiyay Qaybta 60-aad ee maleeshiyaadka riddada ee gobolka Bay.
Warsaxaafadeedka oo faahfaahin kasii bixinaya taliskan ay wareejiyeen ayaa xusay in tan iyo 2014-kii saldhigga Buurhakaba ay ka howlgalayeen Ciidanka Xabashida Itoobiya, kuwaas oo ka mid ahaa Qaybta Saddexaad ee hawl-galka isbahaysiga AUSSOM.
“Tallaabadani waxay astaan u tahay dardargelinta wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee sida tartiib-tartiibta ah loogu wareejinayo Ciidamada Amniga ee Soomaaliya…” ayaa lagu yir warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska AUSSOM.
Usbuucii lasoo dhaafay ayay ahayd markii taliyeyaasha ciidamada dalalka AUSSOM ay iskugu yimaaddeen Muqdisho, kana tashadeen sidii loo dar-dar gelin lahaa bixitaanka ciidamada AUSSOM, iyadoo dhanka kalena ilo-wareedyo ay sheegayaan in Midowga Afrika uu bilaabay qorsheynta soo afjaridda hawlgalkiisa millateri ee Soomaaliya.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa bilowday kadib markii natiijo wax-ku-ool ah kasoo bixi wayday shir dhawaan ka qabsoomay Kampala, kaas oo dalalka AUSSOM kaga arrinsanayeen go’aankii uu Maraykanku ku xaqiijiyey in dhammaadka sannadkan uu gebi ahaanba jaraayo taageeradii dhinacyada badnayd ee uu siin jiray hawl-galka ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya.