Howlgal qarax ah oo ciidamada Mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen dueedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka deegaanka Garas-baallay, ayaa lala eegtay bar Control oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada, waxaana jira khasaare gaaray cadowga.
Howlgal kale oo ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu dilay, murtad Cabdicasiis Cumar Cusmaan, oo ahaa sarkaal ka tirsan maamulka Riddada ee degmada Dharkeynley.
Isla Banaadir, Qarax ay Mujaahidiinta ka fuliyeen duleedka Muqdisho gaar ahaan deegaanka Tareedisho ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka ridada, waxaana jira khasaaro soo gaaray Riddada.
Sidoo kale, waxay Mujaahidiintu qarax ka fuliyeen degmada Jannaale, kaasi oo lagu weeraray fariisin ciidan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada, waxaana ku dhaawacmay hal askari oo murtad ah.
Dhanka Gedo, ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidamada saliibiyiinta Xabashida Itoobiya kaga suganyihiin Airport-ka degmada Baardheere.
Sidaas oo kale waxay ciidamada Mujaahidiintu dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo saldhiga maleeshiyaadka Murtadiinta ee degmada Qoryooley iyo xerada murtadiinta ee deegaanka Mubaarak.
Dhanka Mandheera, Ciidamada Mujaahidiintu waxey dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Kufaarta Kenya ee deegaanka Ceel-raamo ee hoostaga degmada Ceel-qaalow ee ka tirsan gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Saliibiyadda Kenya.