Jabhadda TPLF ayaa ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay Isniintii shalay duqeyn loo adeegsaday diyaarado Drones-ka ay ka fuliyeen koonfurta gobolka Tigray, iyadoo warar kala duwan oo soo baxay-na ay sheegayaan meelaha la bartilmaameedsaday iyo khasaaraha ka dhashay.
Duqeymaha ayaa la sheegay inay ka dhaceen deegaanka Merewa ee degmada Raya Alamata, oo ku dhow xadka gobolka Amxaarada. AFP, oo soo xiganaysa mas’uuliyiin Tigray ah iyo ilo caafimaad, ayaa sheegtay in afar xubnood oo ka tirsan askarta Tigray, ay ku dhaawacmeen duqeymaha.
Amanuel Assefa, guddoomiye ku-xigeenka TPLF, ayaa AFP u sheegay in dowladda Itoobiya ay duqeyn drone ah ka fulisay deggaanka Merewa. Wuxuu sheegay in weerarku sidoo kale ku dhacay dugsi sare, inkastoo AFP aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.
TPLF ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in duqeymaha lagu bartilmaameedsaday askarta Tigray ay sababeen khasaare, balse faahfaahin dheeraad ah ma aysan bixin. Inkastoo ilo-wareedyo kale ay tibaaxayaan in tirada khasaaruhu ay intaasi ka badan tahay.
Ilo-wareedkani wuxuu sheegay in saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka jabhadda Tigray la dilay, toddoba askari oo kalena ay ku dhaawacmeen saddex duqeyn oo drone ah oo deegaankaasi ka dhacay Isniintii shalay, abbaaro 08:30 subaxnimo.
Duqeymaha la soo sheegay ayaa ku soo beegmaya xilli xiisaduhu ay sii kordhayaan isla markaana horraantii bilshan ay dagaallo ka qarxeen gobolka Tigray, halkaas oo la sheegay in ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Tigray ay bilihii u dambeeyay fariisinno ka samaysanayeen.