Cabdirashiid Janan oo ahaa madaxii sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa degmada Beledxaawo uga dhawaaqay in uu ugoostay dhanka maamulka Axmed Madoobe.
Isagoo boqolaal askari kula hadlayay xerada UK ayuu ku eedeeyay Xasan Gurguurte iyo Xamza Cabdi Barre in ay dayaceen maleeshiyaadka murtadiinta ee ku sugan gobolka Gedo kuwaas oo muddo 8 bilood ah aan wax mushaar ah qaadan sida uu uhadalka udhigay.
wuxuu carraabaabay in Xasan Gurguurte uu uga baxay ballan uu horay ula galay oo aheyd in uu kadhigyo wax uu ugu yeeray madaxweynaha Jubbaland.
Cabdirashiid Janan ayaa ku amray maleeshiyaadkiisa in ay la shaqeeyaan maamulka isku magacaabay Axmed Madoobe, wuxuu carrabaabay in dowladda Kenya ay qeyb ka aheyd wadahadalka uu uga goostay kooxda Riddada Soomaaliya.
Maamullada degmooyinka gobolka Gedo oo ay kamid tahay Belexaawo ayaa ugacan galay Axmed Madoobe waxaana sidaas ku fashilmay isku daygii uu Xasan Gurguurte ku dhisi rabay maamul goboleed.